X
    Categories: Warar

“Wasiirkii Caafimaadka Ayaa Laba Cimaaradood Oo Dhaadheer Dhisanaya Oo Aan La Odhanayn Xagaad Ka Keentay”Xildhibaan Dheeg

Xildhibaan Dheeg


Hargeysa(ANN)-Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood adag ka yeeshay xaalada Caafimaad ee dalka, dawooyinka iyo Cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee dalka, waxayna qaarkood ku doodeen in la xakameeyo, isla markaana la hubiyo tayadooda adeegyada ay qabanayaan iyo dawooyinka ay iibiyaan.


Dooda golaha guurtida oo xildhaanadu arrimahaa kaga hadleen, waxay qaarkood dhaliileen Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade oo qaarkood u jeediyeen dhaliilo, waxaana xildhinaabada qaarkood ku eedeeyeen in uu durba dhisanyo dhismayaal Fooqyo dhaadheer.


Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah Xildhibaanada guurtida ee ka qaybqaatay dooda, ayaa yidhi, “Wasiirkii Caafimaadka ayaa laba Cimaaradood oo dhaadheer dhisanaya oo aan la odhanayn xagaad ka keentay, waxan arkay Istoodh Dawooyinku buuxiyeen oo marka ay dhacaan la gubo, iyadoo dadkii u baahnaa aan la siin.” ayuu yidhi, Xildhibaan Dheeg oo ka mid ahaa xildhibaanada ugu dooda kulul ee fadhiga golaha ka hadlayay maanta.

Dooda Xildhibaanada iyo eedaha ay u jeediyeen wasiirka Caafimaadka Halkan Ka Daawo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post