X
    Categories: Warar

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Soomaaliya Oo Xilka Laga Qaaday Markii Madaxweyne Farmaajo Ay Isku Khilaafeen Qaabka Loo Waajahayo Xaaladda Dagaalka Ethiopia

Araweelo News Network.

Wasiir Cusub oo loo magcaabay Arrimaha Dibedda iyo wasiirkii hore oo Diiday xil cusub oo loo magcaabay

Muqdisho(ANN)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilkii ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad, waxaana xilkaa loo magaacay  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Wasiirkii hore ee arrimaha Dibedda Cawad u magacaabay safiir, balse Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aannu diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ma sharaxin sababta xilka looga qaaday xilligan wasiirka arrimaha Dibedda Axmed Cisie Cawed, waxayse wararka qaar sheegayaan in ay isku khilaafeen qaabka loo waajahayo xaaladda dagaalka ka socda dalka Ethiopia ee u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo maamulka gobolka Tigreega.

Axmed Ciise Cawed, ayaa ka hor intii aannay soo bixin xilka qaadistiisu, wuxuu bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dagaalka Ethiopia, isagoo adeegsaday kelmedaha isku-dhac iyo dhinacyada, walaw markiiba laga masaxay bogga Twitter fariinta wasiirka.

Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in wasirka xilka laga qaaday Ciise Cawed Madaxweyne farmaajo u gudbiyay qoraal uu doonayay inuu warbaahinta la wadaago oo ku waajahnaa xaaladda dagaalka Ethiopia iyo mawqifka dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo ay isku fahmi waayeen Villa Somalia oo dagaalka Tigreega lagu qaaday u aragta mid sharci ah, walaw aannay si cad u shaacin mawqifkeeda xaaladda dagaalka Ethiopia.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post