Araweelo News Network.
Wasiir Cusub oo loo magcaabay Arrimaha Dibedda iyo wasiirkii hore oo Diiday xil cusub oo loo magcaabay
Muqdisho(ANN)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilkii ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad, waxaana xilkaa loo magaacay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa Wasiirkii hore ee arrimaha Dibedda Cawad u magacaabay safiir, balse Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aannu diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.
Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ma sharaxin sababta xilka looga qaaday xilligan wasiirka arrimaha Dibedda Axmed Cisie Cawed, waxayse wararka qaar sheegayaan in ay isku khilaafeen qaabka loo waajahayo xaaladda dagaalka ka socda dalka Ethiopia ee u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo maamulka gobolka Tigreega.
Axmed Ciise Cawed, ayaa ka hor intii aannay soo bixin xilka qaadistiisu, wuxuu bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dagaalka Ethiopia, isagoo adeegsaday kelmedaha isku-dhac iyo dhinacyada, walaw markiiba laga masaxay bogga Twitter fariinta wasiirka.
Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in wasirka xilka laga qaaday Ciise Cawed Madaxweyne farmaajo u gudbiyay qoraal uu doonayay inuu warbaahinta la wadaago oo ku waajahnaa xaaladda dagaalka Ethiopia iyo mawqifka dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo ay isku fahmi waayeen Villa Somalia oo dagaalka Tigreega lagu qaaday u aragta mid sharci ah, walaw aannay si cad u shaacin mawqifkeeda xaaladda dagaalka Ethiopia.