X
    Categories: Warar

Wasiirka Wasaaradda Macdanta Oo Amaanay Shaqaalihiisa Kadibna Koox Guddoonsiiyay Abaalmarinno

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland, Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa gudoonsiiyay shahaadooyin iyo Abaalmarinno lacag ah, shaqaalaha wasaarada qaarkood, kuwaas oo uu u arkay inay ugu waxqabad wanaagsanaayeen sannadkii dhamaaday ee 2019.

Munaasibad maanta lagu qabtay xarunta Wasaarada Tamarta, waxa kasoo qeybgalay dhammaan hawl-wadeenada waaxaha kala duwan, madaxda wasaaradda iyo madax ka socotay Hay’adda Shaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta Eng. Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed oo ka hadlay, ayaa yidhi, “Aad baan maanta ugu faraxsanahay inaynu isku Abaalmarinno dhammaan shaqaale-weynaha, ma odhanayo qeyb keliya, laakiin dhamaantood, inaynu isugu nimaadno sannad ka dib, innagoo isku abaalmarinayna wixii aynu mutaysanay guud ahaan. Maanta cid gaar ah lama abaalmarinayo, laakiin dhamaanteen waynu guulaysanay, haddana marka tartanka la qabto kolay cid baa dheeraysa, cidaana in la abaalmariyo way mudan yihiin, si kuwa dambena ugu deydaan.” Ayuu yidhi Agaasime Guud Abdeeq.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland, Jaamac Maxamuud Cigaal oo gudoonsiinaya shahaadooyin iyo Abaalmarino lacag ah qaar ka mid ah shaqaalaha, 18 Jan 2020. Araweelo News Network.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mr Xamse Suldaan oo munaasibada hadalka jeediyey ayaa sheegay inay jirto qorshe Hay’adda Shaqaalahu wado oo la xidhiidha Abaalamrinta guud ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha dawladda, taas oo la samayn doono dhowaan sida uu xusay.


“Hay’adda Shaqaalahu iyadoo fulinaysa siyaasada Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi waxay wadaa in shaqaalahu helaan caddaalad, oo aan lagu tacadiyin meel kastoo ay joogaan, shaqaale badan ayaa runtii cabashadoodu na soo gaadhaa, waxaan uga jawaabnaa si caddaalad ah annagoo ixtiraam siinayna madaxda ay ka hoos shaqeeyaan.” ayuu yidhi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Xamse Suldaan.

Wasiirka Tamarta & Macdanta Md Jaamac Maxamuud Cigaal oo munaasibada ka hadlay, ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay shaqaalaha, wuxuuna yidhi, “Hablaha oo gacanta lagu goday, waxaan ogahay in dhalinyarada raga ah cidda garab-taagan ee shaqada badankeeda wada inay yihiin Hablaha dhinac walba, hablaheenu si gaara ayay hadyad, dhiirigelin iyo abaalmarin u leeyahiin, Waxaynu wada nahay koox shaqo wada qabanaysa, mustaqbalka waddankuna Wasaaraddan ayuu ku xidhan yahay, qof kastoo shaqaale ahna kaalin baa mustaqbalka wadanka kaga beegan, Ilaahay ha inna garansiiyo. Waxaan inoo rajeynayaa sannadkan ka xiga in Ilaahay kheyr, horumar iyo wax la taaban karo oo soo ifbaxa Macdan ama Shidaal laga helay waddanka oo faa’iidadeeda aynu dheefsanno innagu gaadhsiiyo.”

Gebagebadii Wasiirka, ayaa gudoonsiiyey abaalmarinno shahaado iyo lacag ah 12 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo loo arkay inay yihiin kuwii ugu shaqada wacnaa sannadkan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post