X
    Categories: Warar

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Magacaabay Masuuliyiinta Ka Hawlgelaya Mashaariicda Beeraha Ee Deegaamo Kala Duwan

Araweelo News Network

Axmed Muumin Seed

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa magcaabay masuuliyiinta ka hawlgelaya mashaariicda deegaamada Xaaxi, Wajaale Iyo Beer, qoraal uu wasiirku soo saaray maanta oo lagu socodsiiyay 15 qof oo ah shaqaalaha loo xilsaaray mashaariicdaa, isla markaana ogaysiin lagu siiyay masuuliinta kale, ayaa u dhignaa sidan:-

Wasiirka Horumarinta Beeraha oo Magacaabay Masuuliyiinta Ka Hawlgelaya Mashaariicda Beeraha Ee Deegaamo Kala Duwan

Ku: Dhammaan Magacyadda Hoos ku xusan
Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL
Og: Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha WHB JSL
Og: Agaasimaha Waaxda Waxsoosaarka WHB JSL
Og: Badhasaabka Gobaolka Togdheer JSL
Og: Badhasaabka Gobolka Gabiley JSL
Og: Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh JSL

Ujeedo: Magacaabid Mashruucyadda Wajaale Beer iyo Xaaxi

Markaan arkay: Muhiimadda ay leedahay kor u qaadista wax soosaarka dalku
Markaan Tixgaliyey: Waayo-aragnimadooda, Aqoontooda iyo Hawlkarnimadooda
Markaan arakay: in baahi weyn loo qabo in laga faaiidaysto goobaha waxsoosaarka dalka
Markaan arkay: Siyaasadda Horumarinta Beeraha ee ku waajahan wax Soosaarka dhul beereedka
Markaan arakay: in illaahay raxmadii inoo shubay wakhtigii beeristuna taagan tahay
Markaan arkay: Ahmiyadda dhiirigalinta aqoonyahanada shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
Laga bilaabo Taariikhda Maanta:
Waxaan u Magacaacabay Mashruuca Wajaale –
1. Mowliid Xasan Cabdi (Madaxa Mashruuca Wajaale)
2. Maxamed Maxamuud X. Maxamuud
3. Nimco Maxamed Aadan
4. Axmed Faarax Axmed
5. Cali Cabdillaahi Ibraahim

Waxaan u Magacaabay Mashruuca Beer –

1. Maxamed Cabdi Maxamuud Guray (Madxa Mashruuca Beer)
2. Maxamed Sheikh Cismaan Axmed
3. Aamina Xasan Siciid Dirir
4. Mubaarig Cabdi Cismaan
5. Cabdillaahi Xasan Yuusuf

Waxaan u Magacaabay Mashruuca Xaaxi –
1. Jamaal Degel Maxamed (Madaxa Mashruuca Xaaxi)
2. Sayid Faarax dhinbiil
3. Xaliimo Xasan Odowaa
4. Cabdicasiis Xasan Yuusuf
5. Axmed Saleebaan CabdI

Mudane: Axmed Muumin Seed
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post