X
    Categories: Warar

Wasiirka Warshadaha Oo Ka Hadlay Faa,idooyinka Saldhigga M millatari ee Imaaraadku K Doonayo Magaalada Berbera

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo amarrada dawliga ah oo fulintoodu khasab tahay.
Wasiir Shucayb waxa uu sheegay in tallaabooyinkii xukuumaddu ka qaaday dejinta sicir-bararka iyo kor-u-qaadida qiimaha lacagta dalka ee shillinka ay ahaayeen go’aamo dawladeed oo fulintoodu aanay baryo ahayn, sidaasi darteedna waxa uu ganacsatada u soo jeediyey inay u hoggaansamaan wareegtadii Madaxweynuhu soo saaray.
“Go’aamo dawli ah oo soo baxay in la fuliyo ayaa khasab ah, dawladduna baryimayso ee waa la fulin, wixii cillad farsamo ahna waatii laga wadahadlayey ee shirkaduhu waqti farsamo sheegeen, laakiin yaan dadka loo fahamsiin in wixii yar boqolka dollar ee adeegyada ZAAD iyo E-Dahab in gabigiisaba meesha laga wada saaray ee laakiin waxa loo beddelay lacagta shillinka Somaliland. Markaa waxaan soo jeedinayaa in loo hoggaansamo amarrada dawliga ah, waayo dal wuxuu ku yahay dal is maqal, kala dambayn iyo in la is ixtiraamo,” ayuu yidhi Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse oo u warramay telefishanka Star shalay.
Waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidooyinka Somaliland ugu jirta saldhigga millatariga ee dawladda Imaaraadka Carabtu ka doonayso inay ka samaysato magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, waxaannu yidhi, “Saldhig Millatari waynu ognahay oo intaas oo waddan oo Afrika ama caalamka ah ayey ka jiraan, dalalka jaarkeenna dhawr iyo toban baabay sii marayaan, keliya ha laga eego faa’iidooyinka uu innaga inoo leeyahay, intaas oo sanno waxaynu raadinaynay innagoon ictiraaf haysan in aynu masaalixda waddamada adduunyadu ina soo galaan, markaa innaga waddankeenna la qaadanmaayo, garoonka diyaaradaha ee Berbera yaa sameeyey? Garoon millatari buu ahaa ee ciddii samaysay may qaadan oo may raran, dadku waa inay fahmaan dhulku ma guuro oo cidina tunka kuma qaadato. Cidda doonaysaa maal iyo hanti bay galinaysaa, dabcan masaalix bay leeyihiin, innaguna masaalix baynu leenahay, waddan yar oo aan la ictiraafin baynu nahay laakiin adduunka ka iibinaya danihiisa iyo siyaasaddiisa, dawladdu iyadaa ka masuul ah oo looga fadhiyaa ummadda faa’iidadeeda iyo shaqo abuurkeedaba, mucaaradku way garanayaan faa’iidada uu leeyahay saldhigga millatari, laakiin way is diidsanayaan, ummaddana wax kale ayey u sheegayaan oo waxay leeyihiin uun haddaanan anigu ka arrinayn waxba soconmaayaan.”
“Saldhigga Millatari muxuu Somaliland faa’iidooyin u leeyahay? Waxa ka mid ah in aynu helno qalab, in aynu helno tababarro, in aynu helno saanado kala duwan, in aynu helno difaac iyo intaas oo kale. Adduunyada maanta dheyal laguma helo in waddankaaga maalgalin intaas le’eg lagu samaynayo oo adiguna aad masaalixdaada dhaafsan karto,” ayuu intaa raaciyey Wasiir Shucayb oo tilmaamayey arrimaha waxtarka ah ee Somaliland ka helayso saldhigga millatariga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post