X

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Murrugo Ka Muujiyay Dadka La gu Laayay Beled-xaawo Oo Uu KU Tilmaamay Xasuuq Loo Geysatay Qoysas Shacab Ah

Araweelo News Network.

 

Kuwa Guddida Sheeganayay Ee Lahaa Beled-xaawo Dhibaato Kama Dhicin Waxaan Leenahay Kaalaya arka xasuuqa dhacay.”Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya 

Beled-xaawo(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa wefdi u dirtay magaalada Bedel-xaawo ee kulaalay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya, halkaas oo 25 Jan 2021, weerar khasaare nafeed iyo bur-bur geystay oo lagu eedeeyay dalka Kenya uu ka dhacay.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cismaan Abokor Dubbe oo ay weheliyaan Wasiirka Cadaaladda ee dawladda Federaalka iyo sarakiisha ciidanka ayaa gaadhay magaalada Beled-xaawo, waxayna la kulmeen qoysaska dhibaatada loo geystay ee lagu xasuuqay madaafiicda.

“Maraka hore waxaan tacsi u diraynaa qoysaskii, eheladii iyo dhammaan asxaabtii qoyska reer Cabdiweli iyo qoysaska kale ee dhibaatadu ku dhacday, waxa ku dhacay maaha wax qof aan la joogin uu cabbirikaro, waxaan tagnay guriga wixii dhacay waanu aragnay waxaad sawirataa qoyka Afar iyo tobbanka qof ahaa ee aan qof ka noollayn, qoyska shanta ahaa ee aan sidoo kale qof ka noollayn iyo qoyska kale ee saddexda ahaa dhammaan waa qoysas Soomaaliyeed oo reer Bedel-xaawo ah.” sidaa waxa yidhi, Wasiir Dubbe oo ay wejigiisa ka muuqato murugo baddan, isagoo ka hadlaya Beled-xaawo. kaddib markii ay booqdeen qoysaska dhibaatada loo geystay.

 

Waxa uu sheegay in warbaahinta maxaliga ah iyo ta caalamiga ah oo la socota wefdigooda ay markhaati ka yihiin wixii ka dhacay magaalada Bedel-xaawo.

“Magaalada waxa kusoo duulay ciidan doonayay inay dad iyo duunyoba baabiiyaan, waxaan uga mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida ee u gilib-dhigay duulaanka, dhibaatadu intan way ka badnaan lahayd haddii aannay ciidanku difaacin, maantana halkan maanu joogneen, waxaan indhahayaga kusoo aragnay dhibaatada ina ay leegtahay.” ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, ayaa ugu baaqay ciddii ka difaacaysay in aannay Kenya ku lahayn lug duulaanka Beled-xaawo in ay indhahooda kusoo arkaan wixii ka dhacay magaalada.

Sidoo kale, wuxuu fariin u diray guddida IGAD, ee  u baddan xukuumadda dalka Djibouti oo dhowaan warbixin ay kasoo saareen khilaafka xadka ee Kenya iyo Soomaaliya uu shalay si weyn u canbaareeyay, wuxuuna isagoo farrriin u diraya IGAD, iyo xukuumadda Djibouti ee arrinta khilaafka labada dal gashay yidhi, “Dadkii lahaa dhibaato ma dhicin waxan leenahay kaalaya halkan dhibaatada walaalaha aannu la murugoonayno, dadkii lahaa Kenya beri ayay ka tahay waxaan leenahay kaalaya indhihiina ku arka wixii dhacay, dadkii lahaa guddi ayaanu nahay oo Beled-xaawo dhibaato kama jirto waxaan leenahay kaalaya arka wixii dhacay.” ayuu yidhi.

Wasiir Dubbe, wuxuu sheegay in ay Soomaaliya ka guulaysanay cadaw walba oo soo weerara, isla markaana wuxuu sheegay in afrika ay dhaaftay xilligii jabhada laysu samayn jiray, isagoo yidhi, waxaan rabnaa nabad laakiin waa laynala fahmi waayay, markaa waxaan aduunka u sheegaynaa in xuduudayada laga soo gudbo, mana rabno in denbiilaha lasoo hubeeyo, Afrika way dhaaftay xilligii sideetanaadkii ee jabhadaha laysu soo hubayn jiray.” ayuu yidhi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post