X
    Categories: Warar

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore  Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Garaad Cismaan Garaad Maxamuud

“Wuxuu ahaa xubintii u danbaysay ee ka noolaa Baarlamaankii Somaliland ee 1960-kii” Wasiir Koore

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland,  Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Marxuum Garaad Cismaan Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Somaliland, isla markaana kasoo jeeday qoysaska dhaqanka ugu facaweyn gobolka Sool.

Sidoo kale, Marxuum Marxuum Garaad Cismaan Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa Baarlamaankii 33 xubnood ahaa ee 1960, markii ay Somaliland xornimadeeda qaadatay la doortay, isagoo noqday xubintii ugu danbaysay ee geeriyoota.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland,  Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), wuxuu shacbiga Somaliland, qoyskii iyo Bulshada uu madax-dhaqameedka u ahaaba ka tacsiyeeyay geeridaa, isagoo dhinaca kalena ka waramay taariikhdii uu lahaa Marxuumku.

Halkan Ka Daawo Wasiir Koore oo ka hadlaya Geerida Marxuum Garaad Cismaan oo shalay geeriyooday.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post