“Wuxuu ahaa xubintii u danbaysay ee ka noolaa Baarlamaankii Somaliland ee 1960-kii” Wasiir Koore
Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Marxuum Garaad Cismaan Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Somaliland, isla markaana kasoo jeeday qoysaska dhaqanka ugu facaweyn gobolka Sool.
Sidoo kale, Marxuum Marxuum Garaad Cismaan Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa Baarlamaankii 33 xubnood ahaa ee 1960, markii ay Somaliland xornimadeeda qaadatay la doortay, isagoo noqday xubintii ugu danbaysay ee geeriyoota.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), wuxuu shacbiga Somaliland, qoyskii iyo Bulshada uu madax-dhaqameedka u ahaaba ka tacsiyeeyay geeridaa, isagoo dhinaca kalena ka waramay taariikhdii uu lahaa Marxuumku.
Halkan Ka Daawo Wasiir Koore oo ka hadlaya Geerida Marxuum Garaad Cismaan oo shalay geeriyooday.