X
    Categories: Warar

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo La Kulmay Wakiilo Ka Socda Hay’addo Caalami Ah

Hargeysa(ANN)Wasiirka Warfàafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa 17 xubnood oo ka soda Hay’addo caalami ah.  Kulankàa too ay wasiirka ku wehelisay wasiir ku xigèenka warfàafinta Marwo Shukri Xariir ayaa lagaga had lay arrimo baddan.

Wafdigii ka socday Ururada iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee ku bahoobay Ururka loo yaqaanno Somali Media Support Group (SMSG) ee Taageeridda Saxaafadda Soomaalida ee Somaliland iyo Somalia oo booqasho ku yimi shalay Somaliland, ayaa hore ula kulamay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

 

 

Waxayna xubnaha Wafdigu saaka booqdeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisaka Somaliland, iyadoo halkaa ku soo dhaweeyey wasaaradda wasiirka warfaafinta Mudane Cadillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Marwo Shukri Xariir Ismail. Waxayna ugu xogwarrameen gaar ahaan ahmiyadda iyo kaalinta wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta iyo guud ahaan saxaafadda Somaliland. Waxayna warbixin ka siiyeen siyasadda dawladda ee xagga warbaahinta iyo mashaariicda horumarinta Saxaafadda, abaabulka sharciyada iyo anshxa saxaafadda, baahida hrorumarinta saxaafadda iyo tababarrada suxufiyiinta Somaliland.
Wafdigaasi Caalamiga oo uu hoggaaminayey  Jaco Du Toit oo ka tirsan Hay’adda UNESCO isla markaana madaxweyne ka ah Ururka ay ku bahoobeen hay’addaha Caalamiga ah ee saxaafadda caawiye ee SMSG waxa kale oo la socdey xubno ka tirsan ururrada UN iyo EU xafiisyadooda qaabilsan Soliland iyo Somalia, iyo Ururka ccaalamiga ah ee taakulanta saxaafadda ee loo yaqaan IMS, Ururka u dooda xuquuqda saxaafadda ee CPJ, heyadda INterpeace,  Heyadda UNDP, UNSOM, iyo khubaro xagga saxaafadda oo ka socda UK.
Xubnaha SMSG oo iyana ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay u socdaan xog-baadh ku saabsan baahida saxaafadda Somaliland iyo dhinacyada ay ka caawin karaan, waxayna intaasi ku dareen inay ku faraxsan yihiin rajaynayaanna inay wada-shaqayn iyo xidhiidh joogto ah la yeeshaan wasaaradda warfaafinta, heyadaha iyo ururada saxaafadda iyo guud ahaan suxufiyiinta Somaliland.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post