X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Deegaanka Sayla

Araweelo News Network

Sayla (ANN) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo Xukuumadda Somaliland ay ka hir galisay degmada Sayla ee Gobolka Hawd.
Wasiirka Madaxtooyadda iyo wafti oo hogaaminayo oo ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda oo maanta gaadhay degmadaasi ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey, ka dibna xadhiga ka jaray dhismayaashaasi.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlay muwaasibad loo qabtay furitaanka mashriicaadi ayaa yidhi “ Mudanayaal iyo marwooyin maanta waxaanu halkan ku nimid waftigayagan balaadhan in aanu xadhiga ka jarno mashaariicdan kala duwan ee isugu jira xaruntii xanaanada, xaruntii maamulka ee degmada Sayla iyo maxkamadii degmada, in aanu sadexdaas dhisme ee cusub xadhiga ka jarno.”
“ Dhismayaashaasi waxay ka mid yihiin kor u qaadida adeegyada bulshada iyo kaabayashada dhaqlaaha. In bulshada Somaliland gaar ahaan dadka reer Sayla Garsoor la gaadhsiiyo oo ay ka maarmaan inay dhamaan dacwadoodaha la tagaan meelo durugsan, in garsoorka la gaadhsiiyo bulshadu waa siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay meel marinayso, iyo maamulada kala duwana inay helaan meelo ay ku shaqeeyaan, waxa aynu nahay bulsho qoys ah iyo Qaran koraya, geed hoostii waynu soo dhaafnay inaynu wax ku maamulno saban ayeynu wax ku maamuli wuu jiray, waa in dhismayaal qurux badan la helo taas oo macnaheedu yahay haybadii degmada iyo horumarkeediiba halkaasay ka bilaabmaysaa, arintaasi ujeedadaa iyo dulucdaas ayey xambaarsanayd.
Xukuumadu waxay ka masuul tahay dalkaas dhan ee intaa le’eg in gees ilaa gees inay u qaybiso wixii soo gala iyo horumarka u yimaada si caddaalada. cashuurta yare ee laydinka qaado ayaa daarahaas lagu dhisayaa, cashuurtaas waxa lagu bixiyaa mushaharada ciidamada, ciidankeenu ma mushaharo waayaan, Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyadoo kordhisay mushaharadii shaqaalaha iyo ciidamada ayaa hada Shan iyo labaatanka bisha la wada bixiyaa mushaharooyinka.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena sheegay in Taariikhda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay maalin kale soo bixi doonto waxaanu yidhi “ Dalka Somaliland inuu horumar sameeyey, hogaanka Axmed Siilaanyo-na in la mahadiyey iyo in lagu hoogay taariikhda ayaa sheegi doonta. Markhaatigaasna ma furi doonaan dadka wanaaga neceb, kuwa wanaaga qariya, iyo kuwa ku cadanyooda horumarka. markhtaatigaas waxa furaya bushada Somaliland ee caafimaadka qabta.Xukuumadana taariikhdeedu waxay soo bixi doonta maalin aan maanta ahayn.”
Ugu dambayntii Wasiirka Xaashi ayaa sheegay in Mashaariicdan uu fuliyey Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi “ Mashaariicdan aanu Sayla ka furnay waxa fuliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan wasiiradayani waxaanu nahay kaaliyeyaashiisii, waxaanu ku shaqaynaynaa siyaasadiisa. Waxaynu u baahan nahay inaynu isku duubnaano, waan hambalyeynayaa gabadha muwaadina ah ee degmadan ka dhistay saldhiga, waxyaabaha Xukuumadda dhiiri galiya ayey ka mid tahay, wanaag ayaanu u haynaa. Maadaama dugsigii dhaxe fasalka sideedaad uu yahay dugsi sare ayaa u baahan tihiin, iyadana waanu ka hawl galaynaa sidii dugsi sare degmada Sayla loogu samayn lahaa. Xukuumadda Axmed Siilaanyo balamo beena ma qaado, dhagaxaan beena meelo ma dhigno, waxa taarkkhda lagu hayaa anagoo furna kuwaanu dhagax dhignay.”
Wasiirka ayaa waxa socdaalkaasi ku wehelinayey Wasiirada, Caafimaadka Dr.Saleebaan Xaglatoosiye, Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta Qaranka Cali Shoombe, iyo Wasiiro iyoXildhibaano kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post