X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Difaacay Heshiiska Shirkadda DP World Jawaabna Ka Bixiyay Diidmada Xukuumadda Muqdisho Ee Heshiiskaa

Araweelo News Network

Dubai(ANN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey faa’iida uu qaran ahaan leeyahay Heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda Caalamiga ah ee DP World, kaas oo la xidhiidha Horumarinta Dekeda Berbera.

Wasiirka ayaa geesta kalena ka hadlay sida ay u arkaan in Soomaaliya ay ka soo hor jeedo heshiiskaasi waxaanu tilmaamay ina Sooaaliya aanay shuqul ku lahayn arrimaha Somaliland.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay Waraysi uu siiyey Idaacada VOA isaga oo ku sugan magaalada Dubai waxana hadladiisii ka mid ahaa “ Maanta waxaanu shirkadda DP World wada galnay heshiis qiimo wayn ku fadhiya kaas oo lagu balaadhinayo dekedda magaalada Berbera, una horseedaya in deked cusub la dhiso tan hada jirtana la casriyeeyo isla markaana aanu wada abuurno kambani aanu wada leenahay oo dekedahaas maamula, wuxuu u muuqdaa heshiis weyn oo qiimo leh oo qaranka Somaliland horumarkiisa saamayn weyn ku leh, waxaan odhan kara marka laga yimaado go’aankii gooni isutaaga iyo madax banaanida qarankani uu la soo noqday, waa heshiiskii ugu weynaa ee saamayn ku yeelanaya nolosha bulshada Somaliland, heshiis kaas ayaanu maanta saxeexnay, waxaanu ku rajo weyn nahay in hawshaasi ay sidaa u dhici doonto.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo la waydiiyey sida ay Xukuumad ahaan u arkaan diidtaanka ay Soomaaliya diidan tahay heshiiskaasi ayaa ku jawaabay “ Waxaanu u aragnaa ka Dawlad ahaan in aanu heshiiskan gali karno, Somaliland waa wadan madax banaan, waa run dunidu ma aqaansana, hasayeeshee xaqiiqadu waxay tahay in Somalilad ay tahay qaran jira oo dunida in neceb iyo in jecelba hortaala, Somaliland maaha gobol iyo maamul goboleed ka mida Soomaaliya, meel ay xukumaan maaha meel go’aamada ay iyagu gaadhaan ay ka fulin karaan maaha, waanu is ognahay cida iyaga u tagta ee tidhaa halkaas ayaanu wax ka doonaynaa waxay yidhaahdaan waar anagu meeshaas shaqo kuma lihin, ee ragaa la xaala. “

“ Anagu walaaladayo xumahooda ma jeclin nabadooda iyo horumarkooda ayaanu jecel nahay, dawna maaha, jidna maaha, garna maaha inay horumarkayaga ka xumaadaan, inay carqaladeeyaan waa godob waana wax aanay Soomaaliyi isugu soo dhawaanaynin way isuku sii nacaysaa, Soomaali waxa jiri kara wax ka dhaxeeya iyo wax ay la kala tagtay, waxa ka dhaxayn kara Soomaalinimada oo qoomiyad ah ee aan qaran ahayn.” Ayuu yidhi Mudan Xaashi.

Wasiirka ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixiyey faa’iida uu heshiisku u leeeyahay Somaliland waxaanu yidhi “ Somaliland Dekedeedu waa deked aanay ku soo xidhan maraakiibta waaweyn ee ka yimaada dunida meelaha xooga wax looga soo dhoofiyo ee bariga fog oo kale markab toos uga yimaada oo Berbera ku soo xidhaa ma jiro, maraakiibtaasi waxay ku xidhaan dekedo bariga dhaxe ah, kuwaas ayaaa markabo yaryar ku wareejiya koontiidharada iyo bushcurada imanaysa Somaliland, heshiiskani wuxuu horseedayaa inay maraakiibtaasi toos u yimaaadaan Berbera oo wakhti ka fudud kii hore, iyo qiimo ka jaban ka hada ay ku yimaadaan. Waxa kale oo ay horseedaysaa gaadiid badan iyo bushcurad badan inay yimaadaan, hadii ay hada yimaadaan shan iyo sodon kun oo koontoodhar waxa iman doona boqolaal kun oo koontiidhar, waxa ka suuroobaya ganacsi badan oo haba mandaqada geeska afrika.”

Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu sidoo kalena xusay inay aad ugu baaraan dageeen heshiiska waxaanu yidhi “ Qaabka aanu wax u wada yeelanaynaa waa qaab wadaag ah oo heshiis yadayada ku cad oo aan madmadow lahayn, waxaanu ku dadaalnay shantaa bilood ee wadahadalku socday in aanu galno, maadaama heshiiska mudadiisu dheer yahay oo ragayaga maanta talinaya, laga yaabo in intooda badani ay ifka hoos maraan, oo go’aankayagu noqonayo ka saameeya heshiis wanaagsan, waxana aanu rabnaa inuu wadankayagu noqdo mid la maalgaliyo, maal galintaasi ay noqoto mid wanaagsan oo aan laysku qabqabsan.” Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post