X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyadda Oo Gurigiisa Ku Boowday Weriye Xaaladiiss Caafimaad Liidato

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabd, ayaa ku booqday gurigiia Cabdiqaadir Maxamed Ciid oo ka mid ah suxufiyinta Somaliland, balse xaalad caafimaad la jiifa.

“Walaalkeen waxaynu ugu nimid in aynu la wadaagno duruufta uu ku jiro, Suxufiyiinta kale ee goob jooga ahna waan u mahad naqayaa, isagana waxana ILAHAY ugu barayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ILAHAY ayaa cudurka keena isagana caafimaadka bixiya, ILAHAY ayaan caafimaad kaaga rajaynayaa, waxaan kuu dardaarmayaa samir iyo dulqaad”. Sidaa waxa yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya doorka suxufiyiinta yidhi, “Suxufiyiintu waxay ka mid yihiin dadka shaqooyinka Qaran haya waana waajib in la daryeelo noloshooda, inkasta oo aynu nahay Qaran iska itaal yar, hada intaa aynu hayno ayeynu yabyabanaa.”

Wasiir Maxamuud Xaashi, wuxuu sheegay inuu u mahad mahad naqayo ragii masuuliyiinta ahaa ee Warka Cabdiqaadir Madaxtooyada geeyay, “aniguna waxaan ka wakiil ahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, xaalada Cabdiqaadirna waan gaadhsiin doonaa, Madaxweynuhu wuxuu kala hadhayaa ma  jirto, Cabdiqaadir wuxuu ka mid yahay dadka ugu mudan ee ay tahay in la ilaaliyo ama la daryeelo.

Sideedaba dadka ugu badan ee Madaxweynuhu uu caafimaad u dirro ha noqdaan shaqaale dawladeed, Odayaal ama Siyaasiyiin, waxa weeye dad uu Madaxweynuhu xil dheeraad ah iska saaro, intaan xogogaal ka ahay waxa laga yaabaa in dadka shaqsiyada Siilaanyo aan aadka u Aqooni aanay fahmi Karin, laakiin waxa weeye sida Hogaamiye balaadhani uu wax u maamulo ayaa u maamulaa, waxa dhacda in Raga ugu fog ee ugu eedaha iyo Cayda badan, ee Siyaasada ay isugu xagtimo badan yihiin, uu Dhakhtar u dirro, waxba halkan ka sheegi maayo, nin loola yimid oo uu qadiyeyna ma jiro, raga waaweyn ee xitaa mucaaridka ah, waxa laga yaabaa in Hogaamiyaha aan balaadhnayni uu yidhaa ninkan waa is haysaan ee ha dirin.

“Cabdiqaadir waa kuwa ugu mudan kaalmo, bahda Saxaafadda waa in la daryeelaa, ILAHAY Dartii ayaanu ugu nimid, iyo masuuliyada dalka naga saaran Istus iyo ujeedo kalena kama lihin, Aroorta laga bilaaba hawshiisa waanu bilaabaynaa, Madaxweynaha waan u tagayaa caawa, wax kasta oo lala qaban kara waanu la qabaynyaa, sidaas ku niyad samow, dee dal iyo Qaran ayaad leedahay iyo saaxiibo badan. ILAHAY-na caafimaad ayaan kaaga rajnayaa”.ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post