X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Oo Ugu Baaqay Bulshada In Ay Aaminto Qofka Siyaasiga Ah

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somalikand  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ugu baaqay Bulshada in ay aaminto qofka Siyaasiga ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi, wuxuu sidaa Ka sheegay mar uu habeenki xalay ahaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo ay ku kulmeen dhalinyarada Somaliland oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin uu ka mid yahay, taasoo loo qabtay Abwaan Laab-salaax.

wuxuuna isagoo arrintaa Ka hadlaya yidhi,  “Aslaamucalaykum, aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb gallo munaasibadan lagu soo bandhigaayo suugaanta abwaanka weyn ee Xasan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan qiimo weyn qaranka ugu fadhiya.

 

Waxaa kale oo halkan ka hambalyaynayaa da’yartaa wakhtigooda usoo huray inay dhagaystaan maansooyinkan qiimaha leh ee halkan laga jeediyay, anigu abwaan ma ihi laakiin waxaan ahay dadka suugaanta jecel ee dhagaysta, bulshadeenii waxyaabaha ku dhacay waxa kamida is aamin la’aan, dal baynu ka tirsanayeyn sodon sanadood, dalkaasi waxa aynu ka soo baranay waxyaabo badan murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ayax tag eel-na reeb, waxa aynnu kasoo baranay, khiyaamada, is-aamin la’aanta, burburka iyo qofka siyaasiga ah oo aan la aaminin.

 

Imika bari dhawayd oo aan tagay Kuwait oo aan ka soo qaaday mashruuca lagu dhisay madaarkeena oo aad maanta quruxdiisa aragto, markii horana siduu ahaa aad ogaydeen ayaa ninkii siyaasiga ah ee ila kul-maaba uu is yidhaahdaa walaahi malaayiinkii doolarka ahaa ayuu boorsada ku sitaa, waa is aamin la’aanta bulshadeena maanta haysata, anigu siyaasi ayaan ahay xafiis ayaan fadhiyaa qofkii ii soo galaaba marka uu saa ii eego ayuu is yidhaahdaa walaahi lacag baa ninkan dul-saar-saaran, waxa aynnu u baahan nahay inaynu si aamino,oo qofka siyaasiga ah la aamino, imika heestii ay xidigaha geesku halkan ka qaadayeen ee ahayd “ninkii u han-wayn hoggaanka dalkoow hankaagu ha dhaafo reer hebel” qaar baa is odhanaya idinkuu idiin jeeday.

 

Waxaan ku soo ururinayaa aad baan ugu mahad celinayaa Abwaanka Xasan Dhuxul Laab-saalax iyo xidigaha geeskaba suugaantii ay halkan ka qaadeen.

 

Wabilaahi Tawfiiq.

Guul Somaliland.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post