X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Oo Ku Sifeeyay jaamacadda Boorama Beerta Ay Kasoo Baxaan Haldoorka Qaranka Somaliland

Araweelo News Network

Boorama(ANN) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku tilmaamay Jaamacada Camuud Beerta ay ka soo baxaan haldoorada iyo hogaamiyeyaasha qarankani, isagoo tusaale usoo qatay Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoomiyaha KULMIYE, sidaa awgeed wuxuu balan qaaday in Xukuumad ahaan ay wax maariic horumarineed ka fulin doonaan Jaamacada Camuud.

muuqaalka Ardaydii dafcadii 15aad ee ka qalinjebisa jaamacada Boorama


Wasiir Xaashi, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu ka qaybgalay xaflad loo qabtay dafcadii 15aad ee Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacadda, isagoo qayb ka ahaa wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta magaalada Boorama ka qayb galay munaasibada qalinjabinta dufcada 15-aad ee Jaamacada Camuud oo ay ku qablin jabiyeen arday gaadhaya 682 arday oo kala diyaariyey shahaadadaha heerka koowaad iyo heerk labaad ee waxbarashada sare. Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumad ahaan xadayn doonaan dhulka jaamacaasi oo magaaladii ku fiday.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook isaga oo ku sugan magaalada Boorma waxaanu ugu horayn hambalyo u diray Ardaydaasi ka qalinjabisay waxaanu yidhi “ Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Boorama kaga qayb galay munaasibada qalin jabinta dufcada 15-aad ee Jaamacada Camuud oo ay ka qalin jabiyeen arday aad u faro badan, dhamaantayo waxay noo tahay farxad aad u wayn, waxaanu leeyahay dhamaan ardayda ka qalin jabisay ee isugu jiray heerka Diploma-da, Degree-da iyo Master-ta, dhamaan waxaanu leenahay hambalyo.”

Wasiir Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay taariikhda Jaamacada Camuud waxaanu yidhi “ Jaamacada Camuud waa meel aqooni taalo, waa manbaca iyo beerta ay ka soo baxaan haldoorada iyo hogaamiyeyaasha qarankani, waa meesha uu ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waa meesha uu ka soo baxay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo rag farabadan oo caan ka ah saaxada siyaasada Somaliland.”

“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Jaamacada Camuud u balan qaaday oo Wasaarada madaxtooyada ee aan madaxda ka ahay ay fulin doontaa wadooyinka Jaamacada dhexdeeda in la dhiso oo marmar qurux badan lagu sameeyo, waxa kale oo aanu gacan weyn ka gaysan doonaa wadada Jaamacada Camuud tagta qaybta aan laamiga ahayn ee go’an sidii loo samayn lahaa, Madaxtooyo ahaan gacan wayn ayaanu ka gaysan doonaa. maaha markii ugu horaysay ee tan iyo intii madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka haaneeday Jaamacada Camuud mashaariic badan ayaa laga fuliyey, Xukuumaddu gacan qabasho wayn ayey u gaysatay, waanan sii wadi doonaa taageeradeeda iyo jaamacada kale ee dalka.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena balan qaaday in Xukuumad ahaan ay xadayn doonaan dhulka Jaamacada oo in dadweynuhu ay ku fidaan looga walaac qabo waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aanu Xukuumad ahaan samayn doonaa oo aanu balan qaadaynaa in dhulka Jaamacada Camuud la ilaaliyo, maadaama ay magaaladii ku soo dhawaanayso markii horena ay aad ugu fogayd, waxa naga go’an in badka dhulkeeda la ilaaliyo oo uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaro, marka golaha deegaanka iyo maayarka magaaladu ay noo soo gudbiyaan Madaxweynuhu wuxuu ku soo saari doonaa wareegto sugan sida uu ugu soo saaray xayn-daabka madaarada dalka oo kale ayaa loogu soo saari doonaa’’ ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post