X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyada oo Sheegay in aanay Siyaasadda Somaliland ku Dhisnayn Dagaal iyo Colaad la Huriyo

Araweelo News Network

Maxamuud Xaashi2


Shinbiraale(ANN) Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ugu baaqay Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo wada-noolan ka dhexeeya Somaliland iyo Puntland.
Wasiir Maxamuud Xaashi iyo wefti ka tirsan xukuumadda oo kormeer la xidhiidha wacyigelinta diwaangelinta codbixiyeyaasha ku maray degaanka Shimbiraale ee bariga Gobolka Sanaag shalay, ayaa sheegay in aanay Somaliland siyaasad ahaan aaminsanayn dagaal iyo colaad, balse ku shaqayso nabadgelyo, horumar iyo waayo-aragnimo.
“Maamulka Puntland waa dad aanu walaalo nahay, daris nahay, dano badan ayaa iskaga keen xidhan, ganacsiga ayaa iska keen jira, dano badan ayaa isugu keen jira, waxa jira cadowyo guud oo aynu wada leenahay, waxyaabo badan ayeynu ka wada shaqaynaa oo ay tahay inaynu ka wada shaqayno, waxa weeye Soomaaliya haddii ay burburtay oo ay kala tagtay waxyaabo badan oo aanay ku kala tagin ayaa jira. Soomaali-nimadu waa isir, Soomaaliyi haddii ay kala tagtay wax ay kala leenahay way kala leedahay, waxa ay wadaagtana inay ka wada shaqayso weeye, waxaannu iyagana ugu baaqaynaa nabad iyo wada-noolaansho, waxaannu ugu baaqaynaa in aanu is ixtiraamno, annaga waxa naga go’an qadarin iyo ixtiraam,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Waxaannu intaas ku daray; “Ma wadno dagaal iyo colaad, waxa maalmahan halkan ka jiray xiisad iyo rabshado sidaa ka war qabtaan, Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo waa Xukuumad mudakar ah, waayo-arag ah, nin ruug-cadaaya ayaa hoggaamiya, khasaare yaqaana waanu nahay, colaadana waanu naqaanaa, waynu ka soo doognay diiftii colaadaha, darxumooyinkoodiina waynu xasuusan nahay, colaadi waxba ma tarto, sidaa darteed, nooma aha siyaasad dagaal, daandaansi iyo colaad, waxa noo siyaasad ah nabad, horumar iyo in maamulka la fudiyo, siyaasadda nooguma jirto in diiwaangalinta aannu wadno cid lagu qasbo, ciddii carqaladaynaysa siyaasadaa, horumarkaas iyo diiwaangalinahaa aanu wadnana ka yeeli mayno. Xukuumad ahaan waxaannu diyaar u nahay in aanu difaacno dalkaga iyo dadkayaga.”
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadnaqay madax-dhaqameedka iyo dadweynaha ku dhaqan degaanka Shimbiraale, waxaannu yidhi; “Suldaanka Guud ee beelaha Warsangali, cuqaasha, odayaasha, siyaasiyiinta iyo dhammaan dadka halkan deegaanka Simbiraale sida weyn noogu soo dhaweeyey, dhammaantiin waxaannu idiinka mahadnaqaynaa sida diiran ee aad noo soo dhawayseen. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Suldaanka Guud iyo cuqaasha deegaankan oo si hilow iyo kalgacal leh noo soo dhaweeyey, waxaan leeyahay waanu idinka filaynay, waynu kala leenahay, dad kala mudan ayeynu nahay, aad ayaa u mahadsan tihiin.”
“Waxaannu weftigayagani u soconay in aanu u kuurgalno, dardargalino diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee ka socota Gobolkan Sanaag, waana gobolkii shanaad ee diiwaangalintu ka qabsoonto Jamhuuriyadda Somaliland, waxa hadhay Gobolka Sool oo kaliya. Waxa diiwaangalintan looga goleeyahay in qof walba la aqoonsado oo qof waliba uu hal cod yeesho, qof kasta oo muwaadin ah wuxuu xaq u leeyahay inuu codeeyo, in la doorto iyo inuu wax doorto, diiwaangalintuna taas ayey salka ku haysaa,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda diwaangelinta codbixiyeyaashu u leedahay bulshada reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Diiwaangalintu waa cod hadlaya oo miisaan leh, waynu ka gudubnay xiligii aynu qoryaha isu guran jirnay, xiligii aynu odhan jirnay aynu reero wax ku qabsano, waxa aynu wax ka qaybsanaynaa cod, waxa aynu ku kala cad qaadanynaa cod, waxa la isku tixgalinayaa cod, waxaan leeyahay dadka deegaankan Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmooyinkan aannu marayno si firfircoon ugu qaybqaata diiwaangalinta, maadaama oo ay faa’iidooyinkaas badan leedahay.”
“Waxa kaloo aannu u soconaa in aanu xoojino nabadgalyada, in aanu horumarka dhiirigalino, in aanu kormeerno oo eegno adeegyada iyo kaabayaasha bulshada, maadaama oo aannu Xukuumaddii nahay, bal waxa aanu mustaqbalka ku dari karno iyo waxa aanu qaban karno, qiimaynta wixii la qabtay iyo xaaladda oo dhan,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post