X
    Categories: Warar

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Awaamiir Qiimaha Laydhka Lagu Jebinayo U Diray Shirkaddaha

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, Photo File Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, ayaa ugu baaqay shirkaddaha bixiya Adeega Laydhka in ay Bulshada u jebiyaan qiimaha, isagoo sheegay xannuunka COVID-19 ee ku faafay aduunka oo Somaliland ka mid tahay in dunida uu saamayn ku yeeshay dhaqaalaha, taas oo saamaysay nolosha Bulshada.

 

, Sidoo kale, wuxuu sheegay in qiimaha Shidaalku uu gaadhay qiime aad u hooseeya, isla markaana ay jiraan qoysas badan oo aan awoodin in ay bixiyaan qiimaha Laydhka ee shirkadduhu ku dalacaan. Sidaa awgeed loo baahanyahay in ay shirkaddaha uu ku xusay qoraalka jebiyaan qiimaha oo ay fuliyaan amarka Wasaaradda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Jaamac, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal saxaafadeed uu ku saxeexnaa oo maanta kasoo baxay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Qoraalka Wasiirka oo lagu xusay magacyada shirkaddaha ay ku socoto fariinta xanbaarsan Awaamiirta ku waajahan Shirkaddaha Laydhka oo nuqul ka mid ah ay heleen Shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post