X
    Categories: Warar

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Ballanqaaday in la Casriyeyn Doono Garoonka Timacadde Sannadka 2017-ka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan iyo masuuliyiinta bahda ciyaaraha, ayaa ballanqaaday in qaab casri ah loo dhisi doono garoonka kubbadda kolayga Timacadde ee caasimadda Hargeysa, isla markaana sannadka dambe lagu ciyaari doono isaga oo dusha sare ka dedan.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qadax) oo hadal ka jeediyey furitaankii ciyaaraha kubbadda kolayga ee habeenkii Jimcaha, waxa uu soo bandhigay naqshado iyo muuqaalo muujinaya qaabka loo samayn doono garoonka Timacadde.

“Waxaan doonayaa in aan sheego sannadka 2017 iyo muuqaalka cusub ee uu yeellan doono Garoonkan Timacadde oo aan rajeynayo in uu ka duwannaan doono sidan uu iminka yahay, arrintaas oo ay noo fududeysay ama ay noo hirgelisay xukuumaddani oo ay ugu horreyso Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo noo ballanqaaday inuu garoonkani noqon doono garoon (indoor) ah ama dadan oo ayna cadceeda iyo roobkuba marka ay ciyaartu socoto habsami-u-socodkeeda waxba yeeli doonin,” ayuu yidhi Mr. Maxamuud Qodax.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa isna ammaanay dayactirka lagu sameeyey garoonka kubbadda kolayga ee Timacadde, waxaannu yidhi; “Garoonkan Timacadde ee aynu joogno waad arkaysaan shaqadda laga qabtay, waxannu rajaynaynaa sannadkan dambe, isaga oo garoon casri ah oo la mid ah kuwa Mareykanka ku yaalla inaynu ku ciyaari doono, ayaa aannu ballantaas annagu idiin qaadi doonaa, sida ugu dhakhsaha badan.

Waxa aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah tiir-dhexaadka xukuumadda maanta talada haysa oo dhallinyarada reer Somaliland la garab taagan hiil iyo hooba, waxaynanu ku ammaanaynaa sida ay uga qeybqaatay horumarka ciyaaraha ee ay tartanka ciyaaraha nafta ugu hurtay ee garoomada maanta dalka ku yaal ee waaweyn ee la dhigay roogga casriga ah kamay hirgelin dadka aynu jaarka nahay oo waxa dhigta FIFA, innagana waxa inoo dhigtay xukuumadda oo ay Samsam Cabdi Aadan qeyb weyn ku leedahay, abaalkaasina waxa uu kuugu jiraa dadkan iyo dalkan.”

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ugu bushaaraysay bulshada, gaar ahaan ciyaartoyga in garoonka Timacadde oo si casri ah loo dhisay lagu ciyaari doono sannadka soo socda, haddii Ilaahay yidhaah.

“Insha Allaah sida la sheegay waxaynu ku ciyaari doonaa garoonkan oo casri ah oo qurux badan oo dedan, kooxaha wada ciyaarayana waxaan leeyahay hambalyo oo ciyaar qurux badan na daawadsiiya oo si anshax badan u ciyaara, isku hambalyeeya qoladiina badisa, annaguna hambalyo ayaanu idin leennahay,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post