Araweelo News Network

marwosamsamiyodeeqdarashinka

Hargeysa (ANN)-Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay deegaanka Ilma Daddo oo ka tirsan gobolka Gabiley oo ay ku sugan yihiin in ka badan 1,000 (kun) qoys oo ka soo hayaamay abaaraha ka dhacay barriga dalka, kuwaas oo muddooyinkii u danbeeyey ku sugnaa degaankaas.
Waftigan Wasiirka Maaliyaddu hogaaminaysay ee deeqda raashinka u qaaday dadka deegaankaa, waxa ka mid ahaa maayirka degmada Gabiley Md. Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, Badhasaab-ku xigeenka gobolka Gabilay Md. Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case) iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda wakiilka u ah ee Zamzam Foundation, kuwaasoo ay wasiir Samsam uga mahadnaqday kaalinta ay ka qaateen abaaraha dalka ka jira.
“Ugu horayn Ilaahay baa mahad oo dhan u sugnaatay, marka xiga waxaan u mahadnaqaynaa Hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda Zamzam Foundation ee wakiilka u ah ee la soo mariyo deeqaha noocan oo kale, waxaanu leenahay Ilaahay ha idinka jazaa’i siiyo. Waxa kaloo aan u mahadnaqayaa maamulka gobolka Gabiley ee ay iminka inagala joogaan Maayarkii, Badhasaab-ku-xigeenkii, xoghayihii iyo xubno ka mid ah guddida abaaraha, kuwaas oo aan uga mahadnaqayo sida ay iskugu hawleen soo dhawaynta dadkeenan,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
Waxayna intaas ku dartay; “Waxaan kale oo aan jeclahay inaan iyagana mahadnaq iyo bogaadin halkan uga dirro shacbiga deegaanka gobolka Gabiley oo iyaguna sida aynu ognahay gobonimo badan sameeyey, kuwaas oo beerihii u furay dadkan abaartu keentay halkan oo meesha ka saaray lexejecladii lagu yaqaanay beeralayda ee xoolihii ay wataan dadkeenan abaarta ka soo hayaamay u furay albaabada beerahooda, runtii waa hab-dhaqan wanaagsan oo gobonimo badani ka muuqato.”
Wasiirka Maaliyadda, ayaa tilmaantay degaannada ay ka soo hayaameen qoysaska loo qaybiyey deeqda raashinka ah, waxayna tidhi; “Dadka deegaanka Ilma Daddo loogu qaybinayo deeqdan raashinka ah waa muwaadiniin kas oo hayaamay deegaamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Togdheer, Oog, Bali-gubadle iyo Salaxlay, waana dad ka soo hayaamay abaarta xoogan ee ku habsatay deegaanada barriga Somaliland, run ahaantii waa waajib ina wada saaran inaynu dhammaanteen u gurmano dadkeena dhibaataysan, waxaana ka xukuumad ahaan mar walba naga go’an in waxkasta oo suurtagal ah lala qabto dadkeena, waxaanu Madaxwaynaha Somaliland sidaan marmar badan oo hore u sheegay nagu amray in loo gurmado dadkan oo waxkasta oo macquul ah oo awoodu saamaxayso loo qabto, markaa waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu inoo shubo raxmadiisa, taas ayuun baa lagu oon iyo haraadba bixi karaaye, Ilaahay ayeynu ka baryeynaa raxmadiisa.”
Maayarka magaalada Gobilay Md. Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkaas, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi; “Waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inoogu naxariisto isku gargaarida iyo isku naxariisashada aynu u naxariisano dadkeena jilicdasan, immika waad aragtaa oo halkan waxa inala jooga dad badan oo walaaladeen ah oo ka soo hayaamay deegaanadii barriga dalka ee abaaruhu ku habsadeen. Runtii dadka reer Gabiley waxay sameeyeen gobonimo badan oo si fiican bay u soo dhaweeyeen dadkan walaalahood ah, waxaanan xaqiiqa ah inay waajib inagu tahay inaynu si hagar la’aan ah u barbar joogsano oo aynaan ka hagranin wixii karaankeena ah.”
Waxaannu maayirku intaas raaciyey hadalkiisa; “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyagu marwalba u heelan wax u qabashada dadka abaaruhu haleeleen min barri ilaa galbeed, waxaanan ogayn sidii ay Wasiir Samsam ilaa abaarihii hore ee galbeedka ilaa abaarta imika ka taagan bariga dalka sidii hagar la’aanta ahayd ee ay marwalba xilka iskaga saaraysay inay waxkasta oo suurta-gal ah gaadhsiiso dadkaa, wasiiradda maaliyadddana waxaan leeyahay Ilaahay miisaanka xasanaadka ha kuugu darro oo ha kaa jazaa’i siiyo. Waxa kaloo iyagana aan halkan uga mahadnaqayaa Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda ay deeqdan soo marisay ee wakiilka u ah ee Zamzam Foundation oo iyagana uga mahaqnaqayno deeqdan ay dadkan u baahan soo gaadhsiisay.”
Qaar ka mid ah dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen oo ay ka mid tahay Kawsar Cabdillaahi oo ka timid deegaanka Xaaxi ee gobolka Daad-madheedh, ayaa ka mahadnaqay kaalmada la gaadhsiiyey.
“Waxaanu deegaanka Xaaxi kaga nimid intaan ogahay ilaa 4 qoys, waxa kaloo jira dad kale oo iyaguna deegaamo kale oo Gabiley ka tirsan soo gaadhay oo Xaaxi ka yimmi oo aan halkan nala joogin, balse deegaamo nagu dhawdhaw oo gobolka Gabiley ka tirsan la dajiyey, adigu waanu u mahadnaqaynaa hay’adaha deeqda raashinka ah noo keenay iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam oo iyaduna marwalba aanu aragno iyadoo u cararaysa inay dadka u qabato, anaguna waxaanu islahayn uun tollow goormay idiin iman doontaa, Alxamdulilaah maanta ayey na soo gaadhay, waananu u mahadnaqaynaa,” ayey tidhi Kawsar Cabdillaahi.
Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Gabilay Md. Cali Case, Mr. Maxamed Cago-wayne oo ka tirsan madaxda sare ee hay’adda Zamzam Foundation iyo masuul ku hadlayey magaca hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa dhammaantood ku dheeraaday xaalada ay ku sugan yihiin in ka badan kunka qoys oo ka kala yimmi deegaamo kala duwan oo wakhtigan degen deegaanka Ima Daddo, kuwaas oo halkaas loogu qaybiyey deeqda la gaadhsiiyey shalay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda, ayaa kormeer martay Cisbitaalka magaalada Wajaale oo lagula tacaalayo dad badan oo bukaan ah, kana mid ah dadka ka soo hayaamay abaaraha bariga dalka Somaliland, iyadoo warbixino ka dhegaysatay Agaasimaha cisbitaalkaasi oo sheegay inay la tacaalayaan dad bukaan ah oo u baahan gargaar caafimaad, waxaanu halkaas uga mahadnaqay Wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu tibaaxay inay marwalba barbar taagan tahay, wax badan kala qabatay baahiyaha ka jira dhakhtarkaasi. Waxa kaloo ay wasiir Samsam Cabdi Aadan soo kormeertay dhisme ay Wasaaradda maaliyaddu ka dhisanayso magaalada Tog-wajaale oo ah magaalo ganacsi oo u dhexaysa Somaliland iyo Ethiopia.