Araweelo News Network

dr-sacad-cali-shireCopenhagen (ANN)Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar ku maraya dalal ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan waddanka Denmark maalintii Salaasada.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland shalay, Wasiir Sacad oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland Md. Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayaxweerar), ayaa jaaliyadda Somaliland ee ku nool waddanka Denmark kulan weyn kula yeeshay magaalada Copenhagen ee caasimadda dalkaas.
“Waxa ka qaybgalay shirkan guddiyada bulshooyinka jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Copenhagen iyo magaalooyinka kale ee dalkaas, aqoonyahanno, hoggaamiyeyaasha ururro jaaliyadeed kala duwan iyo shirkado qaarkood dalka ka wadaan mashaariic horumarineed sida Somaliland Fair Fishing, dhallinyaro, haween, odayaasha mus dambeedka u ah iyo xubno kale oo qaybaha bulshada.”
“Ujeeddada kulankan waxay ku qotontay sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed iyo iskaashiga jaaliyadda iyo waddankooda si loo kobciyo doorka qurba-jooggu ku leeyihiin dhismaha, maalgashiga iyo horumarinta qaranka, wacyigelinta jaaliyadaha, ka-qaybgalka gurmadka abaaraha ka taagan gobollada bariga Somaliland, dardargelinta doorka jaaliyadda ee dedaallada ictiraaf-raadinta iyo qodobbo kale oo khuseeya danaha Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Wasiirka Arimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga oo kulankaas ka hadlay, ayaa ugu baaqay jaaliyadda Somaliland ee dalka Denmark inay laba jibbaaraan kaalintooda iyo doorka ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha adag ee xilligan si loo badbaadiyo nolosha kumanaan qoys oo abaartu barakicisay. Wasiirku waxa uu baaq dheer u diray jaaliyadda Denmark iyo guud ahaan qurba-joogga Somaliland inaan loo kala hadhin ka-qaybqaadashada gurmadka abaaraha baahsan ee xilliga ka taagan dalka.
Dhinaca kale, Dr. Sacad Cali Shire waxa uu jaaliyadda uga xog-warramay xaaladda dalku marayo waqtigan ee dhinacyada geeddi-socodka horumarka, nabadgelyada iyo waxqabadka xukuumadda oo uu tilmaamay inay meel wanaagsan marayaan, “Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga oo gacmaha la is-qabsado, oo qof welba halka uu joogo isu dhigo inuu yahay danjire ku metelaya dalkiisa, lagana wada shaqeeyo hawsha ictiraaf-raadinta,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga, ayaa isaguna geestiisa ugu baaqay jaaliyadda Somaliland ee Denmark iyo guud ahaan qurba-joogga inay xoojiyaan kaalintooda ka qaybgalka horumarka, maalgashiga, dhaqaalaha iyo kobcinta aqoonta dalkooda.
Xubnaha guddida jaaliyadda iyo qurba-joogga oo ka hadlay kulankaas, ayaa iyaguna soo dhaweeyay farriinta iyo baaqa weftiga ee la xidhiidha dhinacyada gurmadka abaaraha, ka-qaybgalka maalgashiga iyo horumarka dalka Somaliland.
Sida warsaxaafadeedka lagu xusay weftiga Wasiir Sacad waxa ay hore u soo mareen waddanka Jarmalka, iyagoo jaaliyadda Somaliland ee dalkaas kulan kula yeeshay magaalada Frankfurt, waxaanay halkaas uga sii gudbi doonaan dalalka Belgium iyo Sweden oo iyagana kulamo kula yeelan doonaan jaalidaha waddamadaas.