X
    Categories: Warar

Wasiirka Khaarajiga Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Safar Shaqo ku Jooga Dalka Masar

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar oo lagu soo dhoweeyey subaxnimadii hor ee shalay.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo lagu faahfaahiyey ujeeddada socdaalka Wasiir Sacad iyo weftigiisu ugu kicitimeen waddanka Masar oo ka dhashay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo socdaal shaqo ugu baxay dalka Masar ayaa gaadhay maanta [shalay] magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Debadda oo ay weftigiisa xubno ka yihiin Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe mudane Fahmi Maxamed Qaasim, ayaa abbaaro 6:30kii subaxnimo ee saaka [shalay] lagu soo dhoweeyey Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.
Weftiga Wasiirka oo ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa gelinkii dambe ee shalay [Arbacadii], kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga hortagay Madaarka Qaahira masuuliyin sare oo ka socday Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhoweeyey weftiga reer Somaliland.
Muddada weftigu ku sugan yahay Qaahira waxay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar mudane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada Sare, Sheekha Al Azhar iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreeya Ururka Jaamacadda Carabta.
Ujeeddada safarka weftiga Wasiirka Arrimaha Debadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Masar,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post