X
    Categories: Warar

Wasiirka Khaarajiga oo ku Baaqay in la Iska Ilaaliyo Waxkasta oo Dhaawacaya Ictiraaf-raadinta Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiirka Khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo waxkasta oo dhaawacaya ictiraaf-raadinta dalka, isagoo tilmaamay waxyaabaha furaha u noqon kara Somaliland inay aqoonsi buuxa ka hesho dunida.
Dr. Sacad Cali Shire oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda shalay, waxa uu ku boorriyey muwaadiniinta Somaliland in qof walba uu saaran yahay xilka ictiraaf-raadinta dalku, sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga fogaado wixii dhaawaci kara arrintaasi.
“Dedaalka aynu ku jirno ictaafka Somaliland waa mid dhammaanteen xil innaga wada saaran yahay, xilkaasi ma saarna Wasiirka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo keliya, laakiin waa mid saaran muwaadin kasta xisbiga uu doono ha ku jiree waa arrin Qaran,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu, waxaannu intaa sii raaciyey, “Somaliland waa la aqoonsanyahay jiritaankeeda inay waddan jira tahay, waxa kuu daliil ah safarka aannu iminka ku tagnay Maleesiya oo nalagu martiqaaday Somaliland, xildhibaannada Baaralaamanada iyo madaxda aynu adduunka kala kulmayno waxaynu kula kulmaynaa Somaliland, safaarado ajnabi ah ayaa inala jooga, laakiin waxa inoo hadhay aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland, kaasina waxa uu ku imanayaa marka la inna arko ee la inna maqlo oo dadka kale ee uu innagaga xidhan yahay aynu u tagno oo dacwadeena gaysanno.
Si aynu ictiraafka u helno waxaynu u baahannahay; midnimo, difaac adag, dawlad adag, iyo dhaqaale adag.”
Dr. Sacad waxa kaloo uu ka hadlay qorshe siyaasadeed cusub oo ay u dejiyeen sida Somaliland kula macaamilayso ururrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaannu yidhi, “Labada urur ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Midowga Afrika waa laba meelood oo runtii aad u muhiim ah in aynu qaddiyaddeena gaadhsiinno oo had iyo jeer la socodsiinno oo ka hawlgalno, nasiib-darro, gaar ahaan Qaramada Midoobay inkastoo dhawr jeer la tagay oo wasiirkii iga horreeyey Maxamed Biixi mar tagay haddanna socodkeenu kumuu badnayn, anigu waxaan ku talo jiraa in aan magacaabo ergay gaar ah oo inoo jooga UN-ta oo maaha safar mar uun lagu tago ee maalin walba inooga hawlgala sidii qaddiyaddeena loo gayn lahaa ama loogaga hadli lahaa Qaramada Midoobay. Sidoo kale, ergay gaar ah baan u magacaabay Midowga Afrika. Markaa taas ayaa inooga qorshe ah Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post