X
    Categories: Warar

Wasiirka Kalluumaysiga oo Baaq Hawada u Mariyey Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka kalluunka ka buuxa badda dalka.
Wasiir Buureed oo la hadlay warbaahinta dawladda, waxa uu farriin u diray ganacsatada, kalluumaysatada iyo shacbiga Somaliland, waxaannu yidhi; “Kalluunku badda ayuu joogaa, waannu socdaa ee maaha mid xeraysan, markaa ha laga faa’iidaysto, haddii aynu nahay ganacsatada, shacbiga iyo kalluumaysataduba oo dadkuna niyadda iyo indhahooda ha u soo jeediyaan in waxani yahay khayraad ay leeyihiin oo aanay ka faa’iidaysan.”
Waxa kaloo uu kula taliyey wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda inay ka shaqeeyaan sidii khayraadka badda Somaliland, gaar ahaan kalluunka loogu dhoofin lahaa dalalka wax-soo-saarkooda lagu iibiyo suuqyada dalka, siiba dalka Itoobiya oo dhaqaale badan ka hela qaadka lagu isticmaalo gudaha waddanka.
“Wasaaradda Ganacsiga waxaannu leenahay ka qaadka kuu keenaya, adiguna kalluun sii oo ha lagu kala beddesho, markaa wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda waxa aan leenahay oo aannu ku boorinaynaa inay hawshaas ka shaqeeyaan, horena waannu ugala hadlay ee waa in laga shaqeeyo sidii khayraadkeena, gaar ahaan kalluunka loogu dhoofin lahaa dalalka wax-soo-saarkoodu yimaad dalkeenna,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Md. Buureed waxa uu ka hadlay ujeeddada safar uu ku tegay dalka Kenya, “Safar shaqo ayaannu ku tagnay dalka Kenya, gaar ahaan magaalada xeebaha ku yaal oo ugu yaraan ilaa saddex gobol ayaannu tagnay oo ay ugu weyn tahay magaalo-xeebeedka Mambaasa, waxaanan ahayn aniga iyo saddex ka mid ah shaqaalaha dawladda ee Wasaaradda Kalluumaysiga, ujeeddaduna waxa ay ahayd in aannu daraasad ka soo qaadano sidii ay dadka kale wax u qabsadeen amma kalluumaysigooda, meelaha ay dhiseen, suuqyadooda, meelaha kalluunku ka soo dego, marka kalluunku soo dego qaabka loo qaboojiyo, qaabka gacmaha loogu hayo, sida loo qalo, loona nadiifiyo ee qashinka iyo lafaha looga guro, warshadihiina waannu tagnay oo soo aragnay loo farsameeyo. Xarumahii shaybaadhka waannu tagnay oo meelaha kalluunkoodu maro oo dhan ayaannu tagnay si aannu khibrad amma fikrad uga soo helno waxyaabaha aynu innaguna dalkeenna ka qaban karno.”
“Marar badan ayaa la tagaa wadamo kale oo ka baxsan dalka si loo ogaado waxyaabaha ay iyaguna ka qabsadeen kalluunka, si aan khibrad uga helno, wixii inaga maqanna aan ugu buuxino,” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post