X
    Categories: Warar

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Socdaal ku Maraya Gobolada Bariga Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Araweelo News Network

 

Axmed Muumin Seed Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland

Hargeysa(ANN)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa socdaal ugu kicitimay Gobolada Bariga Somaliland.

Socdaalkan oo ay wasiirka ku wehelinayeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda horumarinta Beeraha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Ibraahim Cumar Kaahin, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Beeraha Maxamed Siciid (Maxamed Sudani), Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada Cabdiqani Yuusuf Galaydh, Agaasimaha waaxda Gaadiidka iyo Cagafyada Ibraahim Carab Ceelaabe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

Weftiga ayaa socdaalkoodan ku soo maray Gobolka Togdheer gaar ahaan Xafiiska wasaaraddu ku leedahay Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, isaga oo wasiirku shir is xog wareysi iyo sidii xafiisku u dar dar galin lahaa shaqada uu bulshada u hayo la yeeshay shaqaalaha Wasaaradda ee Gobolka Togdheer.

Isuduwaha Gobolka Togdheer ee Wasaaradda Beeraha ayaa wasiirka iyo weftiga la socda uga xogwaramay shaqada ay xafiiskoodu hayaan, isaga oo tilmaamay inay u heelan yihiin sidii ay shaqadooda u kordhin lahaayeen wakhti roobaadkan ay bulshadu beeraha qodanayso, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Mudane wasiir waxaanu diyaar u nahay inaanu kordhino shaqadayada maadaama oo xili roobaadkii beeraha la qodanayey lagu jiro, waxaananu bilawnay qodaalka iyo qorshihisii anaga oo ka bilawnay inaanu isla xafiiska qayb beeraha ka qodno”.

Wasiirka ayaa shaqaalaha Gobolka Togdheer ee Wasaaradda horumarinta beeraha kula dardaarmay inay dedaalaan wixii karaankooda ahna ka wasaarad ahaan la bar bar taagan yihiin “Waxaanu idinkula dar daarmaynaa inaad dedaalka xoojisaan wixii shaqo iyo karaankayaga taageero ahna waanu idinla bar bar taaganahay”

Wasiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa waxa ay uga sii gudbeen Gobolka Saraar, waxaanay mareen Beeraha Deegaanada Waadamo goo iyo Caynabo ku teedsan.

Wasiirka oo bulshada beeralayda ah khudbad u jeediyey ayaa kula dar daarmay inay wax soo saarka sidii loo kobcin lahaa dedaalkeeda galaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahasi ka hadlaya “Waxa loo baahan yahay inaynu inaga oo aan hay’ad iyo dawlad waxba ka sugin isku tashano oo waxeena la soo baxno”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post