X
    Categories: Warar

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Markii U Horraysay Shaaciyey Xaddiga Dayn Culus Oo kala Wareegay wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Kana Warbixiyay Dhismaha Wadada Ceergaabo

Araweelo News Network


Ceerigaabo (ANN) – Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-Marreexaan), ayaa markii ugu horraysay shaaciyey in dayn dhaqaale oo badan oo lagu lahaa mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo uu markii la magacaabay kala wareegay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan.
Wasiir Cali Marreexaan oo dhismaha waddada warbixin ka siinayey Madaxweynaha Somaliland oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa kormeereen shalay, waxa uu sheegay in samaynta waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco uu kugu yimi markii uu la wareegay duruuf badan oo ay qayb ka tahay lacag dayn ah oo xaddigeedu dhammayd 5 milyan oo dollar oo dhismaha jidkan lagaga lahaa xukuumadda intaanu xilka la wareegin 11 bilood ka hor, balse dadaal badan oo ay sameeyeen kadib ilaa hadda la dhammaystay in ka badan 100 KM oo ka mid ah waddada.
“Madaxwayne halkan waxaan soo maray 11 bilood ka hor bishii December ee halkan la ii magacaabay, safarkii iigu horeeyey buu ahaa, waxaanan soo maray iyadoo waddada jid caddaha ahi soo marayso ilaa 2KM, halka daamurku yaalayna waxay ahayd meel imika 14KM u jirta Ceerigaabo, halkaasaanu taagnayn, maantana waxay maraysaa halkaa aynu marayno oo waataa wadadii Ceel-afwayn wax yar bay u jirtaa.
Rag badan baa igu cannaantay oo igu yidhi waar waxan maxaad u sheegi wayday (dhismaha waddada), aniguna waxaan aaminsanahay in wuxu marka uu dhisme yahay ee sida guriga oo kale la dhiso waa wax cad, waayo gurigii marka la yidhaa waa la dhameeyey waa la galayaa oo waa loo hoyanayaa oo cidina odhanmayso lama dhisin, laakiin waxa Madaxwayne laygaga xariifsanaa saxaafadda iyo faan badan iyo faataa-dhug badan oo maan samaynin,” ayuu yidhi Wasiir Cali Marreexaan.
Wasiir Cali Marreexaan oo ka hadlayey daynta uu kula wareegay dhismaha waddada Ceerigaabo waxa uu yidhi, “Waxa waliba hawshaa daamurka boqol iyo dheeraadka kiiloomitir maraya noo dheeraa dayn oo ay tahay runtii in la sheego oo aan la qarinin, Madaxwayne waxa laygu wareejiyey oo gadhka la ii galiyey 5 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo aanan maanta ka hor ka hadlin oo reer abeeso isku dhiib baanu shantaa milyan ula baxnay oo waddadii iyadoo aan dhammaanin oo la doonayo in ilaa Ceerigaabo la isku xidho oo dayna laygu wareejiyey malaha inaan cararo ayey ahayde iyadoo waliba daamurka 70% ka mid ahi uu dayn yahay oo wali nalagu leeyahay.”
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ammaanay doorkii ay dhismaha waddada ka qaadatay Wasiirrada Maaliyadda oo uu xusay inay dhiirrigelin iyo dhaqaaleba la garab istaagtay, “Waxaan Madaxwayne aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo aannu faqnay maalintii la i magacaabay oo anigoo baqaya ayaan u tagay oo aan ku idhi hawshaasaa jirta, waxay igu tidhi amba maalintii Wasaaradda Maaliyadda la ii magacaabay waan baqayey ee waxba ha baqanine adkayso waynu ka bixi doonaaye oo iyaduna halkaasay xisaabta kasoo faraqaysay si hawlaha qaranka qabyada ka ah loo dhammaystiro anaga iyo shaqaaluhuna halkan baanu u joognay oo aannu diyaar ugu ahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyey Md. Cali Marreexaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post