Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in Somaliland laga taageeri doono hubinta tayada raashinka iyo dawada dibadda laga soo dejiyo oo aan hore cid baadhaa u jirin.
Wasiirka Ganacsiga oo wefti uu hoggaaminayey oo socdaal ku tagay dalka Masar dib ugu soo noqdeen dalka, ayaa sheegay in ballanqaadyo ay ka heleen dawladda Masar ay ugu mudan tahay qalabka baadhista tayada raashinka iyo dawadada dalka loo iibkeenayo.
Wasiir Cumar oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in ay is-faham buuxa kala yimaadeen iyo xidhiidho dhexmara labada dawladood kadib kulamo iyo wadahadallo weftigiisu la yeeshay masuuliyiin badan oo dawladda Masar u kala qaabilsan wasaarado ay ka mid yihiin Ganacsiga, Maalgashiga, Rugta Ganacsiga, Khaarajiga, baadhista tayada iyo kuwo kale ay is-faham buuxa kala yimaadeen.
Isagoo natiijada safarkiisa ka hadlana waxa uu yidhi, “Marka la isku wada geeyo wasaaradaha, wasiirrada iyo ciddaanu la kulanayba si qoto-dheer bay wax noogu sharraxeen, ballanqaadyo wanaagsan oo midho-dhal ahna waanu isla soo galnay, waxay noo ballanqaadeen inay inoo tababaraan shaqaalaha wasaaradaha ee kala duduwan, waxa kaloo jirta heshiisyo ay soo wada galeen Rugaha Ganacsiga dawladdeena iyo ta Masar iyo heshiisyo kale oo imika bilow ah oo aannu isla soo afgaranay, guud ahaana arrin midho-dhal fiican ah baanu halkaa kala soo kulanay. Heshiisyada ama waxyaabaha ugu badan ee aannu isla soo qaadanay Masar waxa ka mid ah in aynu ka wadashaqayno ilaalinta tayada oo ah waxa ugu muhiimsan, sababta oo ah raashinka iyo dawada cid innaga hubisaa ma jirto, waxaynu nahay dal alaabta dibadda ka soo wada dhoofsada oo wax-soo-saar badan ma lihin, masuuliyiinta aannu la kulnay waxay na geeyeen waaxdooda ilaalinta tayada oo shay kasta lagu eegayo markaa waxaannu ka codsanay wax innaga hubiya raashinka iyo dawada, waxaanay na soo siiyeen ballanqaad buuxa inay arrintaa nagala shaqaynayaan.”
Waxa kaloo uu in ay kala hadleen dawladda Masar iyo Jaamacadda Carabta dhoofka xoolaha nool ee Somaliland iyo taakulo dhanka caafimaadka ah oo ballanqaadkeedu hore u jiray, “Waxa kaloo weftigu la kulmay Jaamacadda Carabta oo aannu kala soo hadalnay dhoofka adhigeenna iyo xoolaheenna, waxaanay na siiyeen ballanqaad buuxa inay wax badan inagala qabanayaan arrintaa. Dawladda Masar imika diyaar bay inoola tahay inay innaga qaataan xoolaha nooca qalliinka iyo kalluunka. Dhinaca caafimaadka qalab hore dawladda Masar ay ugu ballanqaadeen Wasiirka Caafimaadka iyo adeegyo kale oo xannibnaa dhammaantood waanu soo dhammaynay oo sida ugu dhakhsaha badan ayey inoogu soo daynayaan oo qandaraasyadii way ku bixiyeen gaadiidka degdega caafimaadka, qalab caafimaad iyo mashiinno kuwa kalyaha ah oo ay inna siinayaan,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Md. Cumar Shucayb.