X
    Categories: Warar

Wasiirka Ganacsiga Ee Dalka Kenya Oo La Kulamay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland

Mr. Peter Gatirau Munya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Baashe Cawil Cumar

 

Nairobi (ANN)-“Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horrumarinta xidhiidhka Ganacsi ee Somaliland la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi”

Sidaa waxa  lagu bilaabay warbixin oo kooban oo Ambassador, Ayaanle Salaad Diiriye siiyey  weriye Maxamuud Walaaleye, warbinta ka hadlaysay kulankaa, ayaa u dhignayd sidan:-

Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya ,Md Peter Munya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Md Baashe Cawil Cumar iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska Safaarada JSL ee Kenya, ayaa lagaga hadlay dardargelinta xidhiidhka Ganacsi ee labada wadan iyo labada shacab wadaagaan.

Kulanka oo labada dhinac arrimo kala duwan ku falanqeeyeen, isla markaana is-afgar wanaagsan ku gaadheen ayaa qeyb ka ah kulamo guud ahaan madaxda safaaradu mudooyinkii u dambeeyey la yeelanaysay madax kala duwan oo xukuumada Kenya, wakiilada Wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Saaxiibada Somaliland iyo kuwa jecel horumarkeena.


Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya ,Md Peter Munya iyo Ambassador, Ayaanle Salaad Diiriye.

Dalka Kenya oo ka mid ah dalalka caalamka ee xidhiidho taariikhi ah & saaxiibtinnimada la wadaagi jiray muddo dheer Somaliland iyo shacabkeeda ayaan isla qaadanay sidii loo sii horumarin lahaa.

Gebagebadii qoraalka safaarada JSL ee dalka Kenya ka soo baxay ayaa lagu sheegay,

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno oo aan wax badan wada qabsano, sababoo ah, Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.

Kulankan dhexmaray madaxda Safaarada JSL ee Kenya & Madaxda Kenya ayaa qeyb ka noqonaya firfircooni dublamaasiyadeed oo la bilaabmay mudadii ka dambaysay magacaabistii Safiirka cusub ee dalka Kenya u fadhiya JSL Md Baashe Cawil Cumar oo xilligan laga joogo muddo saddex bilood ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post