X
    Categories: Warar

Wasiirka Gaashaandhiga Britain Oo Booqday Muqdisho Xili Dawlada Ingiriisku Qorshaynay Sidii Xukuumadda Somalia Hub Loo Siin Lahaa

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Wasiirka Gaashaandhiga iyo Ciidamadda ee Ingiriiska Mrs. Penny Mordaunt too uu weheliyo Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, ayaa si lama filaan ah u booqday magaalada Muqdiso ee xarunta Somalia maanta.
Mrs. Penny Mordaunt iyo Safiirka u fadhida Soomaaliya dawlada Britan Danjire Harriet Mathews, waxay kulan albaabada loo xidhay too aan loo ogolaan saxaafadda la yeesheen Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Si dhab ah looma oga ujeedada booqashada wefdiga Britain iyo waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen, war kasoo baxay Xafiiska Rayal Wasaaraha, ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen, wax loogu yeedhay arrimo dhinaca horumarka iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Ciidamadda .

Kulanka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Ciidamadda ee Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, diiradda ku saareen sida ay dawladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in mar walba ay ka faaiideysato taageerada ay la garab taagan tahay Britain.
Cumar Cabdirashiid, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay marka la tababaro Ciidamadda in loo helo qalab dhamaystiran oo ay ku howlgalaan, isagoo yidhi, “Waxaan isla soo qaadnay sidii Boqotooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya xidhiidhka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa taageera dhanka Amniga,hormarinta siyaasada dawladda, iyo Dhagaalaha. Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yidhi Rasal Wasaaraha oo uga mahadceliyay Mordaunt booqashada ay ku timid dalka Soomaaliya.
Wasiirka Ciidamadda Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa u mahadcelisay dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoo sheegtay in ay ka wada hadleen sidii looga taageeri lahaa Somalia Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka dhaqaalaha.

Dhinaca kale ila wareedyo dublamaasiyaeed oo ku dhowaa kulanka, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in dawlada Britain qorshaynayso sidii ay Somalia ugu daabuli lahayd hub iyo saanad Milateri, balse ila wareedyadu ma xusin inta ay noqon doonto taageerada dawlada Britain iyo nooca hubka ee ay xiligan siinay Somalia, iyadoo hubka iyo saanada Milateri oo marar hore lagu caawiyay Somalia u gacan galeen kooxaha kasoo horjeeda ee Al-shabaab iyo shaqsiyaad gaar ah.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post