X
    Categories: Warar

Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Daah-Furtay Wejigii Labaad Ee Dhismaha Wadada Ceergaabo Qalab Iyo Gaadiid Cusubna La Wareegay

Gar-adag (ANN) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaadhay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa daah-furay wejiga labaad ee dhismaha Wadada isku xidha Goboladda  Togdheer iyo Sanaag.

Cagafyada wadada Ceergaabo 27 July 2019

Waxaana lagana bilaabay Degmada Gar-adag, iyadoo Qalab iyo Gaadiid Cusub  oo isugu jira Cagafyo, Iskarogooyin Waaweyn iyo yaryar, Booyado Biyood iyo Gaadhi Karagshar Jayga sameeyaa saaranyahay oo Wasaaraddu soo iibisay,  lagu wareejiyay halkaa, kuwaas oo Wakaalada Wadooyinka JSL ku shaqayndoonto.

Munaasibad ka dhacday degmada Gar-adag ee la wareegida qalabka cusub iyo wejiga labaad ee wadada, waxaa ka qaybgaly Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Maareeyaha Wakaaladda Wadooyika, Masuuliyiin Xukuumadii hore xilal ka soo qabtay, Maamulka Degmada Aqoonyahan, Madax Dhaqmeed iyo marti sharaf kale. 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland Cabdullaahi Abokor Cismaan iyo Guddoomiayaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo gaadhay Gar-adag 27 July 2019

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Cabdullaahi Abokor Cismaan oo ka hadlay madashaa, ayaa yidhi,  “Gaadiidka halkaa joooga dhamaantii waxa iska leh dadweynaha Reer Somaliland, oo aad ka mid tihiin dadweynihiina Gar-adag, ilaahay ka sokow waxaa suuro galiyey guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Mr: Cali Baqdaadi, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa,”

Wasiirka oo ka hadlayay ujeedad socdaalkooda, ayaa yidhi, “ waxaanu idiinku bushaaraynaynaa maanta in la bilaabaayo wejigii labaad, wajigii hore ee ka soo socday Ceel-Afweyn ee iminka kusoo dhaw meesha la yidhaahdo Fadhi-gaab wuu shaqaynayaa sidiisii hore ayuu u shaqaynayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, waxa uu nagu amray ‘si wadadan dhakhso loo dhamaystiro, in la sameeyo weji labaad, wajigii labaad taladii injineerada markaanu la tashanay, waxay yidhaaden halka ugu munaasibsan ee wajiga labaad laga bilaabi karaa waa degmada Gar-adag.”

Qaar ka mid ah dadweynaha ay masuuliyiintu la hadlayeen ee Gar-adag 27 July 2019

Guddoomiayah Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo isagu Baan ahaan sii maalgaliyey Qalabka cusub ayaa yidhi, “Waxa weeye in aynu aragno Gaadiidkii iyo qalabkii  la soo iibiyey oo xaggeena danbe iyo xaggeena horeba teedsan, mahadaasna waxa iska leh Wasiirka oo isagu fikirka keenay in aanu maalgalino, annaguna waanu ka aqbalnay.” Ayuu yidhi, Baqdaadi.

Qayb ka mid ah gaadiidka wadada Ceergaabo © Communication Office of the MoRTD, Somaliland.

Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Cismaan Sh Cabdi Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in hawlaha wadadu u baahan tahay daryeel badan, waxaanu yidhi:-“wadadu waxay u baahan tahay tacab badan, waxay u baahan tahay dhaqaale badan, waxay u baahan tahay taxadir badan ilaahay waxaan ka baryayaa oo aad nuugu ducaysaan in uu xilkaa nagu asturo, oo aanu wadooyinkaa si fiican u dhisno.”

Gabogabadii waxaa Iyana halkaasi ka hadlay Wasiiru Dawlihii hre ee Wasaaraddii Duulista, Badhasaabkii hore ee goboladda Maroodi-jeex iyo Awdal, Aqoonyahan ,Ganacsato, qaar ka mida Madax dhaqmeedka deegaanka iyo waxgarad kale oo dhamaantood soo dhaweeyay qorsheyaashan, waxaa xusid mudan, dhamaan Masuuliyiinta halkaasii ka hadashay waxay reer Gar-adag xasuusiyen macaanka iyo faa’iidooyinka ay leedahay Nabadu, iyagoo  kula dardaarmay qiimaha nabada iyo sidii loo ilaalin lahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post