X
    Categories: Warar

Wasiirka Duulista oo La Kulmay Wafti Ka Socda Hay,adda “ICAO” oo ay Weheliyaan Khubburo Talyaani Ah

Araweelo News Network

Hargaysa(ANN)- Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawad ee “ICAO” oo ay weheliyaan khubaro ka socota Company Talyaani oo la yidhaa SELEX oo ku guulaystay qandaraas lagu dhisaayo Taawarada Madaarad Hargaysa Iyo Berbera.

Wasiirka Duulista Farxaan Aadan oo kulankaasi kadib faahfaahin ka bixiyey waxa ay ka wada hadleen Waftiga ayaa waxa uu yidhi:- “Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ACHAO la yidhaahdo iyo Shirkad Talyaani ah SIDES, waxaanay shirkada Talyaanigu ku guulaysatay Barnaamij la rabo in lagu dhiso Taawarada iyo qalabka lagu hago hawada sare oo dhamaystiran oo laga samaynayo Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Berbera waxa loo dhisaa Tower cusub, markaa shirkadaasi Talyaaniga waxa ay u socdaan oo u yimaadeen inay qiimeeyaan meelaha laga dhisayo iyo sidoo kale qalabka looga baahan yahay madaarada Hargeysa iyo Berbera”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dedaal badan iyo juhdi aanu galinay iyo xidhiidh wanaagsan oo aanu la yeelanay Xarunta ACHAO, waxaanu ka wada hadalnay inay eegaan oo odorosaan baahida ka jirta madaarka Hargeysa, xaga qalabka iyo agabka wax lagu hago waanay wadaan hawshii, waana koox balaadhan”.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post