X
    Categories: Warar

Wasiirka Daakhiliga Somaliland iyo Madax Dawladda Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shir Lagu Falanqeeyey Amniga Badaha

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde iyo madax ka socday dawladda ee Soomaaliya, ayaa kaga qaybgalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir lagu falanqeeyey qorshayaasha dhinaca hawlgalka ee kala mudnaanshaha ammaanka xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Sida lagu caddeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Midowga Yurub ee EUCAP Nestor oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, shirka Wasiir Warancadde kala qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Muqdisho oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, waxa lagaga arrinsanday arrimo la xidhiidha ammaanka badaha.
“Shir lagu falanqeeyey sidii la isula qaadan lahaa sida ay u kala mudan yihiin arrimaha ammaanka xeebaha Soomaalida iyo awoodda dhinaca hawlgallada “Identifying Somali maritime security priorities for planning of operational activities), ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 11 ilaa 14 April, 2016, kaasoo ujeeddadiisu ahayd sidii loo qorshayn lahaa taageerada kobcinta ammaanka badaha Soomaaliya.
Layliska iyo tababarkan oo ay taageeri doonaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo EUCAP Nestor (European External Action Service’s planning) ee ka hawlgala Soomaaliya.
Waxa shirkan ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ku-xigeenka Madaxa Booliska Soomaaliya, Generaal Bashiir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiraal Maxamed Xuseen Faarax iyo Mss. Suhuur Cabdillaahi oo ah maxada xafiiska xidhiidhka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland.
Midowga Yurub waxa shirkaas uga qaybgalay dalalka xubnaha ka ah EU-da, Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, EU NAVFOR Operation ATALANTA, Hawlgalka Tababarka EU-da ee Soomaaliya (EUTM) iyo Hay’adda UNODC (UN Office on Drugs and Crime),” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
“Marka loo eego faallooyinka iyo sharraxaadaha ay bixiyeen dhinacyada ka qaybgalay shirku, macluumaadka la isweydaarsaday, waxa uu ahaa mid midho-dhal ah oo lagu falanqeeyey caqabadaha, rajooyinka iyo suurtogalnimooyinka (arrimaha ammaanka xeebaha Soomaaliya), waxa ay tahay tallaabo hore loo qaaday oo tafaasiil lagaga bixiyey hawlgallada la qaadi karo mustaqbalka.”
Ku-simaha Maxada Hawlgalka EUCAP Nestor Mss. Simonetta Silvestri oo halkaas ka hadashay, ayaa tidhi; “Waxa aan rumaysanahay in tani tahay hab hore loogu socanayo, maadaama ay muhiim ahayn in la dhegaysto, lana fahmo waxa ay yihiin baahiyaha dhinacyada Soomaalida ee aannu xidhiidhka shaqo la leenahay, isla markaana la eegayo maaraynta rajooyinka Soomaalida ee khuseeya waxa ay awoodi karaan inay bixiyaan Hawlgalka Amniga Guud ee EU-da iyo siyaasadda difaaca.”
Dhinacyada ka socday Midowga Yurub) EUNAVFOR, EUTM, EUDEL iyo UNODC, ayaa iyaguna dammaanad qaaday habka ugu macquulsan, uguna dhammaystiran ee kor loogu qaadayo fursadaha guusha.
Waxa kaloo lagu sheegay warsaxaafadeedka in hawlgalka EU-du ku faraxsan yahay, isla markaana ku qanacsan yahay sida furfurnaanta ah ee ay dhinacyada kulanka ka qaybgalay uga wada qaybqaateen doodaha muddada shirku socday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post