Araweelo News Network

warancade1Nairobi(ANN)Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde iyo madax ka socday dawladda ee Soomaaliya, ayaa kaga qaybgalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir lagu falanqeeyey qorshayaasha dhinaca hawlgalka ee kala mudnaanshaha ammaanka xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Sida lagu caddeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Midowga Yurub ee EUCAP Nestor oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, shirka Wasiir Warancadde kala qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Muqdisho oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, waxa lagaga arrinsanday arrimo la xidhiidha ammaanka badaha.
“Shir lagu falanqeeyey sidii la isula qaadan lahaa sida ay u kala mudan yihiin arrimaha ammaanka xeebaha Soomaalida iyo awoodda dhinaca hawlgallada “Identifying Somali maritime security priorities for planning of operational activities), ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 11 ilaa 14 April, 2016, kaasoo ujeeddadiisu ahayd sidii loo qorshayn lahaa taageerada kobcinta ammaanka badaha Soomaaliya.
Layliska iyo tababarkan oo ay taageeri doonaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo EUCAP Nestor (European External Action Service’s planning) ee ka hawlgala Soomaaliya.
Waxa shirkan ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ku-xigeenka Madaxa Booliska Soomaaliya, Generaal Bashiir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiraal Maxamed Xuseen Faarax iyo Mss. Suhuur Cabdillaahi oo ah maxada xafiiska xidhiidhka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland.
Midowga Yurub waxa shirkaas uga qaybgalay dalalka xubnaha ka ah EU-da, Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, EU NAVFOR Operation ATALANTA, Hawlgalka Tababarka EU-da ee Soomaaliya (EUTM) iyo Hay’adda UNODC (UN Office on Drugs and Crime),” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
“Marka loo eego faallooyinka iyo sharraxaadaha ay bixiyeen dhinacyada ka qaybgalay shirku, macluumaadka la isweydaarsaday, waxa uu ahaa mid midho-dhal ah oo lagu falanqeeyey caqabadaha, rajooyinka iyo suurtogalnimooyinka (arrimaha ammaanka xeebaha Soomaaliya), waxa ay tahay tallaabo hore loo qaaday oo tafaasiil lagaga bixiyey hawlgallada la qaadi karo mustaqbalka.”
Ku-simaha Maxada Hawlgalka EUCAP Nestor Mss. Simonetta Silvestri oo halkaas ka hadashay, ayaa tidhi; “Waxa aan rumaysanahay in tani tahay hab hore loogu socanayo, maadaama ay muhiim ahayn in la dhegaysto, lana fahmo waxa ay yihiin baahiyaha dhinacyada Soomaalida ee aannu xidhiidhka shaqo la leenahay, isla markaana la eegayo maaraynta rajooyinka Soomaalida ee khuseeya waxa ay awoodi karaan inay bixiyaan Hawlgalka Amniga Guud ee EU-da iyo siyaasadda difaaca.”
Dhinacyada ka socday Midowga Yurub) EUNAVFOR, EUTM, EUDEL iyo UNODC, ayaa iyaguna dammaanad qaaday habka ugu macquulsan, uguna dhammaystiran ee kor loogu qaadayo fursadaha guusha.
Waxa kaloo lagu sheegay warsaxaafadeedka in hawlgalka EU-du ku faraxsan yahay, isla markaana ku qanacsan yahay sida furfurnaanta ah ee ay dhinacyada kulanka ka qaybgalay uga wada qaybqaateen doodaha muddada shirku socday.