X
    Categories: Warar

Wasiirka Daakhiliga Oo Bulshada Gobollada Barigu Ugu Baaqay In Ay Wax ka Bartaan Horumarka Galbeedka Somaliland

Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), photo By Arraale M jama

Hargeysa (ANN)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay horumarka ballaadhan ee ka tisqaaday gobollada galbeedka, isagoo soo jeediyey in degaannada bari ee dalkana loogu duceeyo horumar iyo wanaag ay gaadhaan.
Wasiir Faratoon oo hadal kooban ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabilay shalay, waxa uu caddeeyey in aannu hore u ogayn horumarka ka jira degaannada galbeedka Somaliland.
“Beryahan dambe markaan maqlo heerka ay gaadheen Gabilay iyo gobollada kale ee galbeedku, waxa aan moodi jiray in la buunbuuninayo, lagana badbadinayo oo lagu tilmaamayo heer aanay gaadhin, waxase aan maanta xaqiiqsaday inay dhab tahay oo gobollada galbeedku ay heer aad u sarreeya gaadheen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha.
“Marka u horraysa waxa aan idinka codsanayaa in la noogu duceeyo dadweynaha iyo bulshada Gobollada Bariga in ay arkaan oo gartaan inay horumar sameeyaan oo ku daydaan bulshooyinka galbeedka.”
Wasiirka Daakhiliga, ayaa sidoo kale farriin baaq ah u diray dadweynaha ku nool degaannada bariga Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aan ugu baaqayaa inay yimaadaan oo soo booqdaan, waayo-aragnimana ka korodhsadaan bulshooyinka galbeedka iyo degaannadan horumarka ballaadhan gaadhay.”
Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waa siyaasi ka soo jeeda degaannada bariga, gaar ahaan Gobolka Sool oo Wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo magacaabay 15 August 2016, waa masuulkii u horeeyey taarikhda Somaliland ee ka soo jeeda degaannadaas ee loo dhiibo xilkaas.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post