X
    Categories: Warar

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xaglatoosiye Oo Maaxtooyaddu Ka Dalbatay Inuu Ka Noqdo Musharaxnimadiisa Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Soo Jeedintaa

Hargeysa(ANN)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo kamid ah Musharixinta u tartamaya jagada Maaxweyne ku xigeenka Xisbiga KULMIYE, marka la gaadho doorashada shirka golaha dhexe ee ku beegan 10 Nov 2015, kaas oo sadex maalmood inaga xigaan, ayaa loo soon jeediyay inuu ka tanaasulo musharxnimadiisa.
Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelo News Network u sheegay warar laga helay ila wareedyo u dhow qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kuwaas oo sheegay in Wasiir Xaglatoosiye Madaxtooyadu usoo jeedisay inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa iyo loolanka kaanabynka uu ku jiro’ ka hor inta aan la gaadhin shirka golaha dhexe ee KULMIYE.

Hase yeeshee Dr. xaglatoosiye, ayaa ku gacansaydhay soo jeedintaa, wuxuuna ku dooday in aanu ka tanaasulayn hankiisa, isla markaana uu haysto aqlabiyada golaha dhexe taageeradooda, balse sida ay sheegayaan ila wareedyadu, waxa jawaabtaa aan ku farxin dhinaca Madaxtooyadda.
Dhinaca kale Wasiir Xaglatoosiye oo aanu khadka isgaadhsinta kula xidhiidhnay, nooma suurta gelin inaanu helo si aanu su,aalo uga wediino xaqiijinta dhinaciisa ee wararkaa, balse dad ku dhow dhow, ayaa u sheegay inuu qorshaynayo sidii uu Madaxwenaha ugu gudbin lahaa is casilaad, isagoo ka cabsiqaba in xilka laga xayuubiyo, maadaama uu ku gacansaydhay soo jeedinta Madaxtooyadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post