Araweelo News Network

wasiirkaarrimahagudahafaratoonHargeysa(ANN)- “Way Jirtaa in Diyaarado wax ku tureen gudaha Somaliland, waxyana ahayd kayn cidla ah, balse lama hubo waxay tureen wuxuu yahay.” Sidaa waxa yidhi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon ) oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo maanta Golaha Wakiilada ee JSL cod aqlabiyadah ku ansixiyeen kadib markii Madaxweynaha JSL uu u Magacaabay dhowaan inuu noqdo wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.
Hadalka Wasiirka, ayaa ka danbeeyay kadib markii dhowaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan waxaba kama jiraan ka dhigay in ay diyaarado aan la aqoonsan hawlgalo ka fuliyeen deegaamada Oodweyne iyo Saylac ee gudaha Somaliland.