X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Oo Magcaabay Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa

Hargeysa (ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa u magacaabay Mr. Ibraahim Axmed Raabbi. Sidaana waxa lagu shaaciyay Digreeto kasoo baxday maanta xafiiska Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland.

Qoraalka digreetada ah ee wasiir Warancadde soo saaray oo oggaysiin lagu siiyay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan SOLTELCO, isla markaana ah guddoomiyaha golaha deegaanka iyo hay’addaha kale ee ay khusayso, waxaa lagu yidhi; “Waxaan idinla socodsiinayaa in Ibraahim Axmed Raabi Liibaan loo soo magacaabay Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 10 March 2015.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka waxa la farayaa nuu xilka u kala wareejiyo Xoghayah Cusub ee loo soo magacaabay iyo Xoghayihii hore ee Dawladda Hoose, isla markaana waxa la farayaa Xoghayaha cusub in uu xilka loo magacaabay si hufan u guto.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Digreetada Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland.

Go’aanka Wasiir Cali Maxamed Warancadde xoghaye cusub ugu magacaabay Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa ka dambeeyey markii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xoghayihii hore Md. Mawliid Weris Cabdillaahi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland, kaasoo qayb ka ahaa isku shaandhayn madaxweynuhu sameeyey 27 February 2015.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post