X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Sheegay In Guddoomiyaha WADDANI Looga Fadhiyo Xogta Uu Ka Hayo Dilka Labada Sarkaal

Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Photo By, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dhaliilay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi in uu halkii uu la safan lahaa marka qaranka dhibaato soo gaadho uu la saftay cadawga qaranka.

Wasiirku, wuxuu sheegay in xoggta uu Cabdiraxmaan Cirro hayo  looga fadhiyo, isla markaana uu baadhista ka mid noqonayo oo  xoggta uu hayo inay tahay mid jirta iyo inay ujeedadiisa bannaanka soo dhigto la oggaan doono.

wuxuuna sidaa ka sheegay kulan uu saxaafada ugu beyaaminayay qaabka xukuumaddu u wado ee uga daba tagtay hawlgalkii lagu khaarajiyay labada sarkaal ee deegaanka duleedka Yagoori, todobaadkii hore, isagoo sheegay inay ciidammada ammaanku gacanta ku soo dhigeen raggii fuliyay dilkii labada sarkaal oo uu sheegay in loo hayo saddex ka mid ahaa kuwii fuliyay iyo tobban Nin oo gacansiin iyo tuhun loo qabtay oo baadhis ku socoto.

“Cirro wuxuu u jeeday anigana wuu ii jeeday iyo xukuumadda, isagoo waxyaalo kale iga sheegi karayay, sababtuu u jeedayna waxay ahayd Nimanka hawsha fuliyay in aanu isir wadaagno, Deegaanka ay kasoo jeedaan iyo Boorama inuu colaad kala dhex dhigana wuu u jeeday, isagoo is leh mucaarad ciddi ha noqoto oo aad ka faa’idaysatid, arrintuse waxay ahayd arrin nasiibdaro ah oo qaranka ku dhacday oo aanay cidna tallo ka wadaagin, raggii hawshaa fuliyay ku kooban oo ah nabadgelyo-daro qaranka ku dhacday” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, wuxuu dhaliilay qaabka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uga hadlay arrintaa, wuxuuna isagoo daba socda hadalkii Guddoomiyaha WADDANI, isagoo Yidhi, “Saddexda Dhardhaar ee dawladnimadu ka kooban tahay, waa Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka, waxa qaranimada la wadaaga Xisbiyada, markaa waxay ahayd inuu mucaaradnimo wax u sheego, laakiin haddii qaranka dhaawac soo gaadho, waxay ahayd inuu qaranka la safto,  laakiin waxa muuqata in aanu maanta qaranka la safnayn ee qaranka ka safan yahay, wuxuuse ka helaa ayuu leeyahay isagay jirtaa,” ayuu yidhi, Wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in aanay xukuumad ahaan arrintan aanay  indha reer iyo kuwo mucaarad iyo cid gaara midna ku eegayn, balse waxay ku eegaysaa oo keliya inta ay leegtahay oo ah laba sarkaal oo ciidanka qaranka ah ayaa la dilay, waxayna dawladu u daba joogtaa ciddii dishay oo keliya, balse Cabdiraxmaan hadii uu reero ku aroorinayo iyo haddii uu aniga igu arroorinayo iyo hadduu cid kale ku arroorinayo, waa la baadhayaa arrintan, isaguna baadhista ayuu ka mid noqonayaa oo  xoggta uu hayo inay tahay mid jirta iyo inay ujeedadiisa bannaanka soo dhigto” ayuu yidhi. Maxamed Kaahin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post