X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Digay Qorshe Loogu Gacan Haadinayo Madax-dhaqameedka Somaliland

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka digay qorshe Madax-dhaqameedka Somaliland loogu gacan haadinayo oo ka socda Muqdisho.

Waran Cade wuxuu digniin u diray qaybaha kala duwan ee madax-dhaqameedka dalka, isagoo xusay in ciqaab adag la marin doono cid kasta oo waxyeello kula kacda qarannimada.
Warsaxaafadeed Wasiir Warancadde soo saaray shalay, waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho laga wado shirqoollo ka dhan ah madaxbannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ka digay in shirqoolkaas loo adeegsado amma la soo dhexmariyo dad reer Somaliland.
“Shirqoolka ka socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeelleeyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland waa mid ummadda Somaliland ay ka digtoon yihiin.
Waxa wax lala yaabo ah in maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Soomaaliya loo qabanayo sannadka 2016, arrimahaas oo ah mid caal-waa ah.
Haddaba, waxa looga digayaa dhammaanba madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland in aan lagu khaldin amma aanay ku dhicin dabinada ay maleegayaan maamulka taagta daran ee Muqdisho.
Waxa lagu wargalinayaa ciddii ka qaybqaadata shirqoollada laga maleegayo Xamar inay la kulmi doonaan ciqaab adag, iyadoo lagu qaadayo khiyaamo qaran.
Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran gaamuray oo aan cidna hungurayn karin, kuna guulaystay inuu xaqiijiyo midnimadiisa iyo horumarkiisa,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland.
Araweelo News Network

Somaliland Office

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post