Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ciidan laga soo kala ururiyey gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah la keenay duleedka magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay weerar ku qaadaan ciidanka qaranka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa uu caalamka u diray farriin baaq ah oo khusaysa colaadaha ay dawladda Soomaaliya ka hurinayso dhulka Somaliland, isagoo xusay in wixii khasaare ah ee halkaas ka dhasha ay masuul ka noqon doonto Soomaaliya.
“Bulshada caalamka, dalalka aannu jaarka nahay oo ay ku jiraan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya, dawladaha IGAD ee Geeska Afrika, Ururka Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo dawladda Maraykanka, intaba waxa aannu ku wargelinaynaa, baaqna ku gaadhsiinaynaa in aanay Somaliland masuul ka ahayn xaaladda colaadda ee maanta ka aloosan Somaliland iyo Soomaaliya dhexdooda, waxaanna ka masuul ah dawladda Soomaaliya, wax allaale iyo wixii dhibaato ah ee ka yimaadana masuuliyaddu iyaga ayey saaran tahay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Waxa kaloo sheegay in colaad riiqdeedu dheeraato laga abaabulayo degaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isagoo isbarbar-dhig ku sameeyey khudbadihii Jimcaha ee culimadu ka jeediyeen magaalooyinka Somaliland iyo kuwa Puntland.
“Dawladuhu way is-qabtaan oo weligoodba marmar khilaaf wuu dhexmaraa, laakiin colaadaha si fool xun looma abuuro, Jimcihii maamulkan la yidhaahdo Puntland, magaalo kasta khudbadihii Jimcaha ee laga akhriyey waxa ay ku salaysnaayeen colaad iyo jihaad laga iclaaminayey, culimada iyo wadaada Somaliland-na waxay khudbaddii Jimcaha ku akhrinayeen in Ilaahay laga baqo, la cibaadaysto. Marka taas la samaynayo waa curfi xun oo ah in labada ummaddood la colaysiiyo oo si isir ah loo colaysiiyo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin Axmed.
Wasiirka Daakhiliga, ayaa sidoo kale sheegay in 26-ka sanno ee ay Somaliland madaxbannaanayd ay bulshada ka dhaadhicinayeen in dagaalka iyo xasuuqii lagula kacay aanay masuul ka ahayn qolo ama qabiil, balse ay dawladdii Soomaaliya falkaas masuul ka ahayd, waxaannu yidhi; “Waxa aannu dadka reer Somaliland ka masaxaynayaa oo 26-kii sannood laga maydhayey oo 26-kii sanno lagu akhrinayey dhibaatadii ka dhacday dalka Somaliland, xasuuqii idinku dhacay qolo (qabiil) idinkuma samayn ee dawladdiinii Soomaaliyeed ee aad samaysateen ayaa idinku samaynaysay. Waxa aannu dadka ka dhaadhicinaynay in aanay qolo waxyeelin ummaddan, markaa haddii ay Farmaajo iyo inankan Cabdiweli ee Garoowe joogaa ay maanta iyagun tii abuurayaan, waxa aannu dadka reer Somaliland ugu baaqaynaa idinku taas ha u dhego taagina oo dawlad Soomaaliyeed ayaa dhib keentay.”
“Dhuxulo aanay weli ku guban ayey ku dheel-dheelayaan”
Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa farriin digniin ah hawada u mariyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuulka Madaxda ka ah maamulka Puntland, waxaannu yidhi; “Inamadaasi dhuxulo aanay weli ku guban ayey ku dheel-dheelayaan, waxaannu leenahay saaxiibayaal dhuxulaha faraha ka dhiga, waayo anaga way na soo mareen oo dhibaatada ninkii ku gubtay kuma daraado.”
Waxa kaloo uu Md. Maxamed Kaahin caddeeyey inay dawladda Somaliland diyaar u tahay sidii ay wadahadal xal ah ula yeelan lahayd dawladda Soomaaliya oo uu xusay inuu hoos tago maamul-goboleedka Puntland, waxaannu yidhi; “Waxa aynu u baahanahay in aynu arrimaha ka wadahadalno oo waxa aynu u baahanahay dad walaalo ah ayeynu nahay oo dawlad wada lahaan jiray ee in aan ubadka yaryar iyo dadka lagu ababin colaad keenaysa cawaaqib-xumo. …. Waa dhab oo waannu ognahay oo dawladda Soomaaliya ma aqoonsana dawladda Somaliland. Waa dhab in dawladda Soomaaliya muddada soo socota uma diyaar aha inay yidhaahdaan dadkaas Somaliland saaxiibayaal, walaalayaal laba dawladood oo isku darsamay ayeynu ahayn ee haddii aynu isqaban kari waynay aynu wanaag ku wada noolaano ee idinkuna fasax ayaad naga tihiin, anaguna fasax ayaannu idinka nahay, taasna diyaar uma aha, waana arrinta ugu sii xun ee ugu cawaaqibka xun, markaa anaga oo intaas oo dhanba og, waxa aannu ugu baaqaynaa dawladda Soomaaliya in la isugu yimaad miiska wadahadalka oo maamul-goboleedkan Puntland wuxuu ka mid yahay maamul-goboleedyada Soomaaliya, waxayna Somaliland la hadli kartaa oo qudha waa Madaxweynaha Soomaaliya, haddii uu saaka Cabdi-weli diyaar u yahay meesha uu doono ayuu ugu tegayaa Badhasaabka Gobolka Sool, haddii uu joogo Gobolka Qardho iyo Boosaaso-na waxa u diyaar ah Badhasaabka Gobolka Sanaag oo arrin nabadeed meesha uu rabo ugala hadli kara.”
Wasiirka Daakhiliga farriin u diray maamulka dawladda Soomaaliya
“Waxa aannu leenahay saaxiibayaal colaada joojiya, sida qudha ee ay nabadgelyadu ku iman kartaana waxa weeye in aad ku ekaataan xuduudihiina, anaguna nabadgelyada shardi ku xidhi mayno, cidda lagu soo xad-gudbay waa Somaliland, cidda xuduudeeda iyo dalkeedii imminka lagu jiraa waa Somaliland, arrimahaas dul-qaadkoodana waxa aannu u leenahay in aanay colaad dambe abuurmin. Soomaaliya colaad badan ayaa soo martay, dhibaataduna iyaga ayey imminka hortaalaa, markaa waxa aannu leenahay saaxibayaal inta aad anaga nagu foogan tihiin ee aad dhibta ku haysaan Somaliland ee aad u soo ururiseen waxan oo ciidan ah ee aad duulaanka ku soo qaadaysaan wax kaga qabta colaadda taal Mudug ee aan la wada degin Gaalkacayo iyo Mudug ee aan la wada daaqin Dooxa-galool ay labada tigniko mid walba labada kooni ka kala fadhido, orda oo wax kaga qabta oo wax kaga qabta colaadda taal Gal-guduud, Kismaayo, Banaadir, weliba waxa aannu intaas idiinku sii daraynaa in aannu anaguna idinla caawino, Somaliland maaha xaasid oo Somaliland maaha dadka wax ka qaba dadka kale horumarkiisa.”
Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu cad yahay sida uu u calaamadsan yahay xadka ay leeyihiin Somaliland iyo Itoobiya
Waxa kaloo uu Wasiirka Daakhiligu sheegay in xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay mid si cad loo wada ogyahay, wax muran ahna aannu geli karin, waxaannu yidhi; “Xadka ay wada leeyihiin ee ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu u calaamadsan yahay sida uu u calaamadsan yahay xuduudka ay wada leeyihiin Somaliland iyo Itoobiya oo tuugna ma xado, waana jid cad oo la calaamadiyey, imminkana labadeena qololaba (Somaliland iyo Soomaaliya) xad u ah. Somaliland markii ay xornimada heshay (1960-kii) waxa aqoonsaday 35 dawladood oo ay ka mid yihiin shanta dawladood ee codka diidmada qaxayan leh (vito power), innaga ayey walaalnimadii Soomaali-weyntu ina qaadatay oo doonanay Soomaaliya, dambina may ahayn.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in caalamka oo dhan wada ogyahay in dalka Somaliland uu leeyahay nabadgelyo buuxda, isla markaana ku dhisan nidaamka dawladeed ee lagu maamulo qaran kasta oo adduunka ah.
“Ilmaha qudha ee ay dawladda Somaliland ilaashato ee ay korsato waa in ay nabadgelyada ilaashato, markaa waxa ay Somaliland mar walba iska ilaalisaa xaalad kasta iyo cunfi kasta oo uu dagaal kaga dhici karo manqadan, waayo, waxa qudha ee maanta Adduunyada lagu wada nool yahay waa nabadgelyo, waxa lagu wada nool yahay waa in ganacsiga iyo dhaqaalaha la kala faa’iido,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale ka hadlay farogelinta qaawan ee dawladda aan Iskeed isku Maamulin ee Soomaaliya ku hayso gudaha dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Beryahan dambe waxa dhinaca dawladda Soomaaliya laga hurinayey farogelin aad u badan oo curfi dagaal wata oo wata curfi isnacayb labada ummadood ee Somaliland iyo Soomaaliya oo wata cawaaqib-xumo colaadeed, waxaanna ka mid ah socdaalkii u dambeeyey ee Wasiirka Qorshaynta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasiir ka socda Gobolka Puntland oo ciidamo wata ay ku soo xad-gudbeen masaafo dheer oo ilaa 100km ah gudaha dalka Somaliland.”
Waxaannu intaas raaciyey; “Degaanka Tuko-raq waa gudaha Somaliland, waxayna Tuko-raq u jirtaa magaalada Garoowe in ku dhaw 70km, markaa ciidammada Somaliland marna may xad-gudbin oo iyagoo degaannadoodii jooga ayaa arrintan dagaalka ah lagu soo qaaday.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in waxyaabaha ay Somaliland ilaalinayso uu ka mid yahay sidii looga hortagi lahaa in qax iyo dhibaato ka dhacaan magaalooyinka maamul-goboleedka Puntland ee u dhaw xadka Somaliland.
“Xadka Somaliland waxa uu u jiraa magaalada Garoowe 5 mayl, waana magaalo madax xarun u ah Gobolladaas, waxayna Somaliland aqoonsan tahay xaalad dagaal haddii ay dhacdo cidda u horaysa ee ay saamaynayso inay degaamadaas tahay. Waxa ay Somaliland aaminsan tahay xaalad nabadeed inay dhulkaas ku tagto maahee in aanay u baahnayn xaalad colaadeed inay kiciso,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxaannu intaas ku daray; “Somaliland waxa ay aad iyo aad waayo-aragnimo ugu leedahay qaxa oo ah maato la qixiyey inta diyaarado lagu garaacay, mid madaafiic lagu burburiyey, waxaanna markhaati inoo ah Malko Dur-duro oo magaalada Hargeysa ayaa markhaati inoo ah Berbera, Burco oo Ceerigaabo ayaa inoo ah. Somaliland iyo xukuumadaheegu dadkaas kuma abuurayaan ciddii idin burburisay iyo ciddii xabaalahan idinku gurtay waa cidda caynkaas iyo caynkaas ah.”
Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Somaliland ay Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u caddaysay in aanay Somaliland marnaba doonayn dagaal iyo colaad, balse waxa uu iftiimiyey in ciidan tiro badan oo laga soo ururiyey Gobollo ka mid ah Soomaaliya la soo dhoobay, qorshahooduna yahay inay weerar ku qaadaan Somaliland.
“Somaliland maanta diyaar uma aha inay cidna weerar ku qaado. Xaaladdu halka ay saaka marayso Ciidammadii laga soo qaaday ilaa afar gobol oo ka tirsan Gobollada Soomaaliya ayaa la soo dul dhigay ciidanka Somaliland. Madaxweynaha Soomaaliya ballanqaadkii uu u sameeyey beesha caalamka waxa uu u sheegay in aannu colaad wadin oo uu doonayo inay wadahadal la yeeshaan Somaliland oo ay arrimahooda iyagoo nabad ah ka wadahadlaan. Labadaas dhexdooda waxbaa ku jira, waxa ku jiraana waa xaaladda abuuran ee maanta ka taagan God-qaboobe iyo Garoowe dhexdooda, ciidammada faraha badan ee laga soo ururiyey gobollada Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirku.
“Waxa kaloo aan xaqiiqo noqonayn afkii uu innagana innagula hadlay, sidoo kalena uu kula hadlay qolada Beesha Caalamka ee uu leeyahay ‘aniga nabaddu dhulka ayey iga taal, Somaliland-na waxa aan doonayaa in aannu wadahadalno.’ Waxa aannu leenahay marka u horaysay Somaliland marnaba kama leexanayso dariiqeeda iyo majaraha horumarka iyo nabadda ah oo Itoobiya nabadgelyo ayeynu ku wada noolnahay oo Jabuuti nabadgelyo ayeynu ku wada noolnahay, Soomaaliya-na innoogama foga oo waa dadkii aynu walaalaha ahayn ee aynu shalayna dawladda wada lahayn, dawladdii ayuun baa innaga xumaatay oo qarankeedii burburisay, taas ayaana keentay duruufaha maanta jira ee taagan.”
“Waxa waajib dastuuriya ah in Somaliland ilaaliso nabadgelyada shacabkeeda iyo difaaca qarannimadiisa Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.