X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Oo Booqasho Ku Yimi Hargeysa Iyo Ujeedada Safarkiisa

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale oo Madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti Muumin Axmed Sheikh Sacad iyo Wefdi uu hoggaaminayo, 25 Jan 2020 Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti Muumin Axmed Sheikh Sacad iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Xubnaha Wefdiga oo maanta madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa kasoo degay, waxa halkaa ku qaabilay oo soo dhoweeyey xubno ka mida golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale.

Ujeeddada socdaalkooda wefdiga, ayaa lagu sheegay in ay u yimaadeen howlo khaas ah oo la xidhiidha tacsida Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo khamiistii ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, marxuumkaa oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland. sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale oo Madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti Muumin Axmed Sheikh Sacad iyo Wefdi uu hoggaaminayo, 25 Jan 2020 Araweelo News Network.


Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa tilmaamay in booqashada weftigu ku kooban tahay tacsida ay xubnaha weftigu soo gaadhsiiyeen Qoyska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ay Wasiirka reer Djibouti iyo Odayaasha la socday ay qaraabo dhow yihiin.
โ€œmaanta halkan waxaan ku soo dhaweynaynaa wefti ka socda Dalka Djibouti oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha oo socdaal gaar ah inoogu yimi, waxaanay u yimaadeen in ay ka soo qaybgalaan tacsida Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, xildhibaankeenii Alle ha naxariistee, markaa waa soo dhoweynaynaa waana ka tacsiyadaynaa geerida marxuumkaas qaranka ka baxayโ€ ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.


Xubnaha weftiga ayaan dhankooda ka hadalin safarka ay ku yimaadeen Somaliland, walw ay jiraan warar sheegaya in aanay ka maydhnayn arrimo siyaasadeed, dhawr bilood ka hor Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ay weheliyaan saraakiil xisbiga KULMIYE, ah ayaa booqasho ku tegey dalka Djiboti, waxayna la kulmeen Masuuliyiinta sare ee xukuumadda Djibouti oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti oo waqtigaa balan-qaaday inuu booqasho ku iman doono Magaalada Hargeysa, balse booqashadaa ayaa dib u dhacday sababo aan la ogayn, walaw lala xidhiidhiyay xaallado xilligaa taagnaa oo la xidhiidhay muran u dhexeeyay ganacsade Axmed Cismaan Geellle iyo Xukuumadda Djibouti.

AKHRI: Maxaa Kasoo Baxay Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Oo Kulan Albaabada Loo Xidhay La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Dhinaca kale, booqashada maanshiyaha weftigan, ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii u dambeeyey la hadal hayay mashruuca xadhig Cable Internet-ka xambaaran ee Cable-ka DARE1, oo ay Djibouti sheegtay inay u jiidayso dhinaca Soomaaliya, isla marlaana sii marinay Magaalada Berbera, sidoo kale ay u sii gudbin doonto Magaalada Boosaaso.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post