X

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Xilka Iska Casilay

Alt: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland: Ku Dhowaad Shan sannood Ayuu Ka Mid Ahaa Gollaha Wasiiirada Ugu Tunka Weyn

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii Arrimaha Dibedda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ku dhawaaqay maanta inuu iska casilay xilkii.

Faratoon, ayaa dhowaan shaaciyay rabitaankiisa uu ku doonayo inuu ka mid noqdo murrashaxiinta u tartamaya doorashada gollaha Wakiiladda Somaliland ee loo asteeyay 31 May 2021.

Warqada iscasilaada, ayuu  u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixii, oo xilkaa u magcaabay November 2018.

Yaasiin Faratoon, ayaa Madaxweyne Biixi kasoo bedelay xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo u macaabay August 2016.

Wuxuuna tan iyo 2016, ka mid ahaa xubnaha gollaha wasiiradda Somaliland, isla markaana wuxuu ka mid ahaa dhawr xubnood oo hore ugu jiray gollaha wasiiradda ee xukuumaddii hore ee KULMIYE, kuwaas oo weli sii hayay xilalka wasiirnimo.

Faratoon, ayaa la filayaa in maalinta berri ah ka xaadiro xarunta Xisbiga Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Murrashaxnimadiisa xildhibaanada gollaha Wakiillada ee xisbiga Kulmiye uga tartamaya gobolka Sool.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa xilka iska casilay, isagoo doonaya inuu ka qaybgalo tartanka doorashooyinka gollaha Wakiiladda Somaliland ee xisbiga KULMIYE, uga tartamaya gobolka Sanaag.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay shaaciyay in masuuliyiinta xilalka haya ee doonaya in ay ka qaybgalaan tartanka doorashooyinka muddadii sharcigu ahaa in ay is casilaan ay ku ekayd 2 March 2021.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post