X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Hadlay Booqashada Wefdi Ka Socday EU iyo Uk Oo Kulan Albaabada Loo Xiidhay La Yeeshay MJadaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay maanta wefti balaadhan oo isugu jira Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Dalka Ethiopia iyo xubno ka socday Midawga Yurub European Union.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wefdiga oo ahaa mid albaabada loo xidhay, waxa goob joog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib la hadlay, warbaahinta ayaa sheegay in wefdigu Somaliland joogeen muddo laba maalmood ah, isla markaana kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha ay waxyaabo baddan kaga wada hadleen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post