X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Oo Ka Hadlay Ujeedada Safarka Madaxweyne Siilanyo Sababta Aanu Ula Kulmin Madaxda Ingiriiska

Araweelo News News

London- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin kulan Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u qorsheysnaa inuu la qaato madaxda xukuumada Ingiriiska, laakiin, booqashiisu ahayd nasasho iyo inuu dadkiisa la kulmo.
Dr. Sacad oo ka jawaabayey su’aal weriye Maxamuud Walaaleye ka weydiiyey warar warbaahinta qaarkood ku sheegeen inaan dawlada Ingiriisku qaabilin Madaxweyne Siilanyo, isagoo ku sugan London ayaa yidhi,
“Ma jirin kulamo uga qorshaysnaa Madaxweyne Siilanyo inuu la qaato madaxda Ingiriiska, mana jirin martiqaad uu ka dalbaday, wuxuu u yimi inuu dadkiisa la kulmo, kuna nasto.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa hadalkiisa raaciyey, “Markii ugu horeyseyna maaha ee madaxweynuhu sidan oo kale ku yimaado London. Madaxweynayaashu waxay leeyihiin fasax iyo nasasho. Madaxweynuhu dadkiisana wuu arkay fasax nasashana wuu ku qaatay.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa caawa ka qeybgeli doona kulan loogu magac-daray Ku-Baraaruga Kheyraadka Somaliland oo wada-xaajood iyo su’aalo lagu weydiin doono, soona qabanqaabiyeen xirfadlayaasha Somaliland, sida lagu baahiyey eventbrite.co.uk.
Kulanka oo wakhtiga fiidnimada ka dhici doona Oxford House, London ayaa lagu sheegay in Ardayda reer Somaliland iyo xirfadlayaashu ka heli doonaan fursad ay ku weydiiyaan Wasiir Sacad arrimaha bulshada iyo siyaasada, si gaar ahna diirada loogu saari doono maalgashiga dibadeed, aqoonsiga iyo siyaasadaha Geeska Africa, siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland, iyo kaalinta qurbajoogu ka qaadan karaan.
Madasha habeen dambe ayaa la filayaa inay ka soo baxdo talooyin ku aadan kaalinta lagu horumarin karo dhaqaalaha Somaliland, loona abuuri karo shaqooyin dhalinyarada waxbaratay ee dalka joogta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post