X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Oo Waraaqihii Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Cusub Ee Somaliland

Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia iyo Safiirka Somaliland


Addis Ababa(ANN)-Somalilandspan-Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waraaqahii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalkaa Amb. Cali Salaan Jirde (Cali-Shoombe)

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Gebeyehu oo ku qaabilay xafiiskiisa safiirka Cusub ee Somaliland Amb. Cali Shoombe ayaa muujinaysa sare u kaca xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, oo isbedel weyn ku yimi tan iyo mudadii uu xilka wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland qabtay Dr. Sacad Cali Shire.
Kulanka oo goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan, iyo sidii loo horumarin lahaa, siduu mareegta Somalilandspan u xaqiijiyey Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya.
Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland oo dhowaan madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo u magacaabay xilkaa ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya ka gudoomo waraaqahiisa aqoonsiga.
Dhinaca kale, wefdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo maalmahii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika dalab xubinnimo Jamhuuriyada Somaliland ka hesho.
Dr. Sacad Cali Shire oo wareysi siiyey wakaalada waraka AllEastAfrica ayaa yidhi, “Hadii loo baahdo waxaanu u gudbin doonaa codsi cusub.
“Waxaanu doonaynaa inaan Midowga Africa ka dhigaan ajandaha koowaad arrinka Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu raaciyey.
“Waxaanu qeyb ka ahayn Soomaaliya 30 sannadood, waxaan filayaa inay ku filan tahay. Xaqiiqdii waxay ahayd soddon sannadood oo waaya-aragnimo xun kala kulanay midnimadii. 25kii sannadood u dambeeyey gaar ayaan u taagnayn, ma jirto sabab aan ugu noqono midnimo aan shaqeynayn,?”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post