X

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Oo Baajiyay Safar Uu Ku Tegi Laaha Austria Kadib Markii Ay Taageertay Duulaanka Israel Ee Qaza

Araweelo News Network.

Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif, Image File Araweelo News Network.

Tehran(ANN)-Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran, Javad Zarif ayaa baajiyay booqashadiisii horey loo qorsheeyay oo uu ku tagi lahaa Austria sabtidii, isagoo sabab uga dhigay taageerada furan ee Vienna ay u hayso gardarada Israel ee Falastiin.

Wakaaladda Anadolu ayaa sidaa qortay, waxayna sheegtay in Zarif, oo haatan ku jira safar uu ku marayo Yurub, waxa la filayay inuu Sabtida yimaado Vienna isagoo soo gaadhay Madrid, laakiin waxaa jiray isbedel daqiiqadii ugu dambeysay ee safarkiisa.

Warar laga soo xigtay Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Tehran iyo warbaahinta ayaa sheegay in booqashada la joojiyay ka dib markii calamada Israel la sudhay dhismayaasha muhiimka ah ee dawladda caasimada Austria, oo ay ku jiraan dhismayaasha Chancellery iyo wasaarada arrimaha dibadda.

 

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Austria wuxuu xaqiijiyay Sabtidii in Zarif aannu booqan doonin Vienna kulan hore ugu qorsheysnaa oo uu la qaadan lahaa dhigiisa Austria Alexander Schallenberg.

Calanka Israel ee dawladda Austria sudhay dhismayaasha muhiimka ah ee caasimaddeeda Vienna, ayaa si cad u muujiyay in ay astaan u tahay sida ay Vienna ula midoobeen xulufadooda Tel Aviv, tallaabadaas oo ay cambaareeyeen dalal badan oo Muslimiin ah.

Kooxda Jamhuuriga Iyo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Dimuqraadiga Oo Taageeray Gardarada Israel Farriina U Diray Joe Biden

Caasimadda dalka Austria ee Vienna ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay martigelinaysay wadaxaajoodka u dhexeeya Iran iyo quwadaha adduunka ee looga golleeyahay soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015, basle heshiiska oo in dib loo nooleeyo si weyn u danaynayay maamulka Cusub ee Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, waxa ka digay Koox ka kooban 43 Senator oo xisbiga Jamhuuriga ah, waxayna sidaa ku sheegeen warqad ay maalintii Arbacadii u direen Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Mr. Blinken.

Kooxda ka tirsan xisbiga Jamhuuriga waxay Madaxweyne Joe Biden ku booriyeen inuu joojiyo wadahadalada uu kula jiro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isla markaana u diido Joe Biden in cunaqabataynta laga qaado Iran, iyagoo arrintaa sabab uga dhigay xidhiidhka ay sheegeen in Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran la leeyihiin Xamaas.

Sidoo kale, hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka Wakiillada ee xisbiga Dimuqraadiga oo laga soo doorto Maryland, Steny Hoyer (D-MD) ayaa soo saaray bayaan ka dib weeraradii gantaalada ee Xamaas.

“Dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay waxay muujiyeen, mar kale, halista Israel maalin walba soo food saarta iyo sababta nabaddu ay aad ugu baahan tahay,” ayuu ku qoray bayaankiisa.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post