X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Djibouti

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Djibouti(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Dr. Sacad Cali Shire oo safar shaqo ku jooga Djibouti ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Djibouti ee jaarka ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dubadda oo ka hadkayay booqashada Wasiirka ee Djibouti, ayaa lagu yidhi, sidan:- “Waxa shalay qado sharaf soo dhawayn iyo is barasho ah ku qaabilay Wasiirka wasiirro tiro badan oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, waxana ka mid ahaa wasiirada kale Wasiirka Cadaaladda Mudane Cali Faarax Casoowe, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta, Mudane Aden Xasan Aden, Wasiirka Kharashka, Mudane Boodeh Maxamed Rooble iyo sidoo kale, Danjiraha Djibouti u qaabilsan Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Djibouti Maxamed Warsame Cali. Dr. Sacad Cali Shire ayaa uga mahadceliyay dawladda Djibouti soo dhawaynta diirran iyo hab maamuuska ay ku qaabileen.

Siduu qorshuhu ahaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf waxanay labada masuul ka wada hadleen sii xoojitna cilaaqaadka labada dal ee jaarka iyo saaxiibka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo kulankaas kadib warbaahinta ugu waramay xarunta Safaaradda Somaliland ee Djibouti ayaa sheegay in ujeedada kulankani daaranayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada nabadgelyada iyo iskaashiga guud maadaama uu Wasiir cusubyahay. . Waxa sidoo kale, wasiirku sheegay in safarkiisa Djibouti uu qayb ka ahaa dardargelinta hawlaha labada safaaradood oo dib u habayn iyo is bedel weyn lagu sameey

Safiirka Somaliland u fadhiya Djibouti Mudane Maxamed Warsame Cali ayaa isaguna uga mahadceliyay dawladda Djibouti soo dhawaynta wasiirka iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal. Waxa kale oo uu Danjiruhu ka hadlay in mudadii uu xilka hayay ay safaaraddu is bedel weyn samaysay oo sida uu Wasiirku xadhiga ka jaray ay haatan si rasmi ah oo dhamaystiran hawshooda u bilaabeen.

xogyahaya 1aad ee Safaaradda Somaliland ee Djibouti Mudane Axmed Aden Suge oo isagu warbaahinta u faahfaahiyay waxqabadka safaaradda iyo sida dib u habaynta loogu sameeyay ayaa sheegay in safaaraddu hore ugu shaqayn jirtay hal xafiis oo kaliya balse ay haatan leeyihiin 8 xafiis oo si dhamaystiran u qalabaysan, 3 gaadiid ah oo laba cusubyihiin iyo guriga martida loo sameeyay oo isaguna si heer sare ah u goglan. Xoghuhu wuxu tilmaamay Danjiraha Safaaradda Mudane Maxamed Cali Warsame uu dardar dheeraad ah iyo firfircooni shaqo u la yimi, waxqabad weynna la muujiyay mudadii uu xilka hayay iyadoo la kaashanayo dawladda Djibouti, jaalliyadda Somaliland ee Djiboui iyo Wasaaraddaba.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post