X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Kulamo Iyo Booqashooyin Isaga Dab-Qaaday Switzerland Iyo Oslo

Oslo(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Bixii Yoonis oo socdaal shaqo ku maraya dhinaca dalalka Yurub, ayaa kulamo la yeeshay Baarlamaanka dalka Norway, isagoo markaa ka dib Wasiir Biixi u gudbay dhinaca dalka Switzerland, wuxuuna Magaalada Geneva kula kulmay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga UNHCR.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed si kooban loogu sharaxay booqashada iyo kulamada wasiir Biixi oo wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland warbaahinta u kala dirtay.

Qoraalka, ayaa u dhigaan sidan: “Wasiir Yonis iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaasi Norway, Mr. Sulub Hussain ayaa kulamo la yeeshay xubno ka mid ah Baarlamaanka wadankaasi oo ay ka mid ahaayeen Hekki Holmas iyo Slyvi Graham (sawrka koowaad ee lifaaqa). Sidoo kule intuu Wasiir Bixi joogay magaalada Oslo oo uu hore ugula kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ayaa waxa kulamadiisii ugu danbeeyay ka mid ahaa kulan uu la yeeshay musharaxa Mayorka magaalada Norway Mr. Johansen (Sawrka Labaad). Mudane Wasiir Yonis ayaa kala hadlay masuuliyiinta uu la kulmay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Baarlamaanada Somaliland iyo Norway, taageerada dhaqaale ee horumarka Somaliland, iyo sidii loo heli lahaa ganacsi dhex mara labada dal.

Wasiir Yonis ayaa u gudbay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaasi oo uu kulan kula qaatay masuuliyiin sare oo ka tirsan haayada jimciyada Quruumaha u dhaxaysa u qaabilsan qaxootiga ee magaceeda loo soo gaabiye UNHCR oo ay ka mid yihiin Mr. Valentin Tapsoba, Agaasimaha Africa iyo tiimkiisa (Sawrka sadexaad). Wasiir Yonis ayaa kala hadlay UNHCRS Mashaakilaadka Yemen iyo Saamaynta Qaxootiga Yemen ay ku leedahay Somaliland, mashaakilaadka barakacayaasha iyo Qaxoontiga ku sugan Somaliland sidii loo kordhin lahaa taageerada la siiyo iyo waliba in la balaadhiya hawlgalada UNHCR ee Somaliland.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post