X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka Xog-waramay Kulan uu la Yeeshay Madaxweynaha Djibouti

Areweelo News Network

Djibouti (ANN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaga iyo wefti uu hoggaamiyaa ku sugan yihiin dalka Jabuuti, ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda waddankaasi.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland iyo xubnaha weftigiisa waxa xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanna wasiir Sacad u gudbiyey warqad uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.
Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi u warramay telefishanka dawladda Somaliland, waxa uu u mahadceliyey Madaxweynaha iyo saraakiisha sarsare ee dawladda Jabuuti oo uu sheegay inay si qadarin leh u soo dhaweeyeen.
“Waxaannu ka wadahadlanay Madaxweynaha iyo Wasiirka Khaarajiga Jabuuti arrimo badan oo isugu jira xagga nabadgalyada, siyaasadda, dhaqaalaha, iskaashiga iyo wax wada qabsiga iyo weliba sidii dhidibbada loogu aasi lahaa heshiis laga gaadho arrimahaas si looga wada shaqeeyo,” ayuu yidhi Md. Sacad Cali Shire, waxaannu intaa raaciyey, “Jabuuti waa waddan runtii horumaray, wax badana nagu kordhin kara iminka, wax badana aannu ka koradhsan karno.”
Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo uu wehelinayey La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha ictiraaf raadinta Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ay kulamo la yeesheen Wasiirrada Wasaaradaha Khaarajiga iyo Daakhiliga ee Jabuuti oo ay isla falanqeeyeen xidhiidhka iskaashi iyo ammaan ee labada dal.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post