Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo lagaga hadli doono mushkiladaha iyo colaadaha ka aloosan wadamada Carabta qaarkood, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia mushkiladaha lagaga hadlayo shirka oo ay Somalia ka mid tahay ku sharixi doono waxa u qorshaysan xukuumadda Somalia iyo sida loo fulinayo qorshaha beesha caalamka u qabatay inay xukuumadda Somalia dalka gaadhsiiso mudada u hadhay hiigsiga sanadka 2016, kaas oo ah inay Somalia noqoto meel nidaam dawli ah iyo doorashooyin si dumuqraadi ah ka qabsoomaan.
Sidoo kale waxyaabaha la filayo in shirka lagaga hadlo wax ka mid ah arrimaha ka taagan wadamada, Libya , Syria , Yemen iyo Palestine, isla markaana shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta, waxa uu gogol xaadh u noqonaya shir madaxeedka wadamada Carbeed ee lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Sharmel-Sheikh ee dalka Masar 28-29 March 2015.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews