X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Booqasho Taariikhi ah ku Teggey Muqdisho

(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda Marayka john  Kerry ayaa booqasho saacado qaadatay ku tegey magaalada dagaaladu aafaayeeen ee  Muqdisho.

Wefdiga John Kerry oo kalan saacado qaatay la yeeshay hoggaamiyayaasha Soomaalida, ayaa ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde, waxayna u jiheysteen dhinaca Magaalada Djibouti, halkaasoo uu ku jooggi doono booqasho aan la shaacin mudada ay qaadan doonto

Kulanka Mr. Kerry iyo Madaxda Somalia, ayaa ka dhacay Garoonka Aadan Cadde, waxaana kulanka ka qayb galay Madaxda Dowladda Somaliya, Maamul Goboleedyada, Nicholas Kay iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom.

Mr. Kerry too amaankiisa sad loo ilaalinayay, waxa uu sheegay in boqashadiisu tahay mid taariikhi ah, isagoo xusay in Somalia ay hadda kusoo labaatan sanadood kadib.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, wuxuu Madaxda Somalidu uu kala hadlay arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagaxisada, taageerada Mareykanka uu siiyo Somaliya iyo qorshaha beesha Caalamku u jeexday Somalia ee hiigsiga sanadka 2016-ka, kaas oo ujeedada iyo hadafka ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in doorasho toos ah oo hal cod iyo hal qof (One Man One Vote) ka dhacdo Somaliya inta aanu dhamaan sannadka 2016, balse waxay u muuqataa riyada noocaas ah ee beesha Caalamku mid aan soconayn, iyadoo masuuliyiinta xukuumadda Federaalka qaarkood hore u shaaciyeen in aanay suura gal ahayn in Somalia doorasho toos ah ay ka dhacdo 2016.
Kerry waa mas’uulkii ugu sareeyay oo Maraykan ah oo dalka Somalia booqda, wixii ka dambeeyay Booqashadii Madaxweyne Bush January 1, 1993-dii.

Mr. Kerry iyo wefdiga uu watay, waxay markiiba u duuleen dhinaca Dalka Djibouti, wuxuuna kaga dhawaaqay Saldhiga Maraykanku ku leeyahay Djibouti in dawlada Maraykanku dalka Yemen ee dagaaladu ka socdaan ugu deeqday $ 68 million oo dolar.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post